3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo soo bandhigay hub ay sheegeen inay lahayd Xarakada Al-shabaab

Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta soo bandhigay hub ay sheegeen inay kasoo heleen kayd ay Al-shabaab ku lahayd gobolka Shabeellada hoose.

Hubka oo lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid ay ku dagaalami jireen Xarakada AL-shabaab ayna kasoo heleen meel lagu qariyay, iyadoo uu hubkaas ka mid ahaa qoryaha fudud, bambooyin iyo qoryaha culus.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa waxay hubkaan kasoo saareen meel ay Al-shabaab ku qarsadeen oo u dhexeysa deegaanka Ceelasha biyaha iyo degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose," ayuu yiri Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo saxaafadda la hadlay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in hubkan ay Al-shabaab u adeegsan jireen inay weerarro ku geystaan, isagoo sidoo kale sheegay in lasoo qabtay xubno Al-shabaab ka tirsan oo ku sugnaa saldhiggaas qarsoodiga ah ee hubka laga soo helay.

Saraakiil ka tirsan dowladda oo iyaguna ku sugnaa halka hubka lagu soo bandhigay ayaa sheegay in markii hubkan la ogaaday halka uu yaallo oo ay ciidamadu tageen uu dhacay dagaal xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac, balse ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay qabsadaan goobtaas ayna hubkan kasoo saaraan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda ay soo bandhigaan hub ay sheegeen inay kasoo heleen meel lagu qariyay oo ay lahayd Xarakada Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin inay hubkan iyadu lahayd.

Dhanka kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Dhego-badan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/24/2012 10:53 AM EST
Arbaco, October, 24, 2012 (HOL)- wasiiradda wasaaradaha Kalluumaysiga, wasiirka Maaliyadda iyo Taliyaha Xeebaha Somaliland oo safar shaqo ku gaallaa bixiyey gobolladda bariga Somaliland, ayaa ka warbixiyey ujeedadda safarkooda, kuwaas oo sheegay inay wadeen dakhli ururin balaadhan iyo horumarinta deegaanaddaasi sidii wax loola qaban lahaa.

10/24/2012 10:44 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka harsan oo ay ku jirto bishan Oktoobar.

10/24/2012 10:33 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay sidii ururrrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan lahaayeen xaslinta dalka ayaa maanta ku dhexmaray Muqdisho saraakiishii hore ee ciidamada milateriga Soomaaliya ee dajiyay qorshaha xasilinta dalka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

10/24/2012 10:04 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Taangiga Kaydka shiidaalka warshadda Laydhka ee magaaladda Berbera, ayaa saaka dab aan la garan waxa dhaliyey ka kacay, kaas oo hawada isku shareeray ololka iyo qiiqa, muddo ka dibna lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabkaasi.

10/24/2012 10:02 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan nabad-galyada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/24/2012 4:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) —Weerar Bambaano ah ayaa xalay lagu qaaday Saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, iyadoona kooxaha weerarka fuliyay ay ilaa dhowr bambaano ku tureen gudaha iyo afaafka hore ee saldhigga.

10/24/2012 3:15 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay 72 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qabteen baaritaanno ay ka sameeyeen degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo ay ku jirtay haweeney hoggaamiye ah.

10/24/2012 3:13 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Mudanayaasha baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka doodaya miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota, taasoo ka doodisteeda dib loo dhigay toddobaadkii hore.

10/24/2012 3:03 AM EST
Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Wariye Axmed Saakin Faarax oo u shaqeyn jiray TV-ga Universal.