Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay 72 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay ku qabteen baaritaanno ay ka sameeyeen degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kuwaasoo ay ku jirtay haweeney hoggaamiye ah.
Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa sheegay in haweeneyda ay qabteen lagu magacaabo Maryan Ciise Maxamed ayna ka mid ahayd haweenka ka tirsan Al-shabaab ee hoggaamiyeyaasha ah, inkastoo aan la sheegin inay ahayd mid dagaallada hoggaamin jirtay iyo in kale.
"Baaritaanno guri-guri ah oo Kismaayo laga sameeyo laga soo billaabo 21-kii bishan Oktoobar waxaa lagu qabtay 72 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, waxaana sidoo kale la helay hubkooda," ayuu yiri Col. Oguna.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa bisha horraanteedii si rasmi ah ula wareegay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaana xoogagga Raaskambooni.
Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM waxay sheegeen in howgalladu ay sii socon doonaan inta guulo la taaban karo laga gaarayo howgallada looga horjeedo Al-shabaab ee ka socda Jubbooyinka.
"Dadweynaha ku nool Kismaayo waxay ciidamada ka caawiyaan sidii ay howlahooda ugu guuleysan lahaayeen," ayuu yiri Col. Oguna oo sheegay in xaaladda ammaan ee Kismaayo ay tahay mid hadda la isku halleyn karo.
Sidoo kale, afhayeenka milateriga Kenya wauxu ka hadlay iskahorimaadyo dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab, isagoo sheegay in Isniintii lasoo dhaafay uu isku dhac ka dhacay meel ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
"Laba askarta Kenya ka tirsan ayaa weerarkaas ku dhaawacmay, waxaana lagu dilay saddex Al-shabaab ka tirsan, laba kalena waa lagu dhaawacay, sidoo kale waxaan ku furannay hub isugu jira qoryaha fudud iyo baasuukayaal," ayuu yiri Col. Oguna.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan dagaalkaas ay Kenya sheegtay inay ku dishay xubnaha ka tirsan Al-shabaab, iyadoo dagaalkan uu qarxay markii Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadday ciidammo Kenyan ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
AMISOM oo sheegtay inay Kismaayo ku qabteen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jirtay haweeney Hoggaamiye ah
More News
- Wasiirradda Maaliyadda iyo Kalluumaysiga iyo Taliyaha Xeebaha oo ka warbixiyey safar shaqo oo ay ku tageen gobolladda Bariga Somaliland
- Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo ansixiyay Miisaaniyadda ay ku shaqeynayso dowladda bilaha sannadkan ka harsan
- Kulan looga hadlayay Qorshaha Ammaanka Somalia oo dhexmaray Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Saraakiil Soomaaliyeed
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo soo bandhigay hub ay sheegeen inay lahayd Xarakada Al-shabaab
- Dab qabsaday kaydka Warshadda korontada ama Laydhka ee Magaalada Berbera oo lagu guulaystay in la bakhtiiyo
- Saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM oo sheegay inay ka shaqeynayaan sidii lagu adkeyn lahaa Ammaanka Baladweyne
- Bam Gacmeed Xalay lagu Weeraray Saldhigga Kismaayo iyo Howgallo Baaritaanno ah oo ka Socdo Degmagaasi
- Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta mar kale ka doodaya Miisaaniyadda Dowladda ay ku shaqeynayso Saddexda bilood
- Kooxo hubeysan oo xalay toogasho ku dilay wariyihii Telefishinka Universal uga soo warrami jiray Magaalada Laascaanood