4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Bam Gacmeed Xalay lagu Weeraray Saldhigga Kismaayo iyo Howgallo Baaritaanno ah oo ka Socdo Degmagaasi

Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) —Weerar Bambaano ah ayaa xalay lagu qaaday Saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, iyadoona kooxaha weerarka fuliyay ay ilaa dhowr bambaano ku tureen gudaha iyo afaafka hore ee saldhiggaasi.

Mid kamid dadka ku dhaqan xaafadda Calanleey oo ah halka uu weerarka ka dhacay ayaa HOL u sheegay in bambaanooyin lagu weeraray saldhigga magaalada, wuxuuna xusay in ciidamadii ku sugnaa saldhigga ay rasaas badan fureen kadib markii uu weerarka dhacay.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee Kismaayo oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan weerarkii xalay, waxaana lagu soo waramayaa in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi marka laga reebo burbur soo gaaray mid kamid ah guryaha ku dhow saldhigga.

Dhinaca kale howlgallo ballaaran ayaa saaka ka bilowday xaafadda Calanleey iyadoona ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni ay baaritanno xooggan ka wadaan guryaha ku yaal xaafadaasi.

Howlgalladani ayaa daba socda weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo, waxaana saraakiisha dowladda ay sheegeen in howlgalladani lagu xaqiijinayo ammaanka.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa magaalada Kismaayo waxa ka socday kulamo ay yeelanayeen saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo AMISOM, kuwaasoo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada Kismaayo oo mudooyinkii danbe ay ka dhacayeen falal amni darro.

 

Xasan Nuur
Hiiraan Online
Kismaayo-Somalia
[email protected]