Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Mudanayaasha baarlaamanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka doodaya miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso saddexda bilood ee soo socota, taasoo ka doodisteeda dib loo dhigay toddobaadkii hore.
Xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ayaa u sheegay saxaafadda in xildhibaannadu ay dhageysan doonaan maanta warbixin ay soo diyaariyeen guddi loo saaray inay kasoo baaraan-dagaan miisaaniyadda, iyadoo markaas kaddibna ay xildhibaannadu aragtiyadooda ka dhiiban doonaan sida ay u arkaan miinaasiyadda.
Miisaaniyaddan oo gaaraysa in ka badan 37 milyan oo doolarka Mareykanka ah ayaa waxaa la sheegay in dowladdu ay ku shaqeynayso saddexda bilood ee sannadkan ka harsan, kuwaasoo ay ku jirto bishan dhamaadka ah ee Oktoobar, iyadoo ay qayb ka tahay miinaasiyaddan kharashaadka ku baxaya xafiisyada madaxda dowladda ugu sarreysa.
"Waxaa la qorsheynayaa in isla maanta codka loo qaado miinaasiyadda, kaddib markii la dhageysto warbixinta guddiga shanta xubnood ka kooban ee horay loogu saaray kasoo shaqeynta arritan," ayay xildhibaanno dhowr ah u sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyadoo ajandahan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee baarlamaanka Soomaaliya uu ka doodo codna u qaado, marka laga reebo ansixintii ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta mar kale ka doodaya Miisaaniyadda Dowladda ay ku shaqeynayso Saddexda bilood
More News
- Wasiirradda Maaliyadda iyo Kalluumaysiga iyo Taliyaha Xeebaha oo ka warbixiyey safar shaqo oo ay ku tageen gobolladda Bariga Somaliland
- Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo ansixiyay Miisaaniyadda ay ku shaqeynayso dowladda bilaha sannadkan ka harsan
- Kulan looga hadlayay Qorshaha Ammaanka Somalia oo dhexmaray Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Saraakiil Soomaaliyeed
- Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo soo bandhigay hub ay sheegeen inay lahayd Xarakada Al-shabaab
- Dab qabsaday kaydka Warshadda korontada ama Laydhka ee Magaalada Berbera oo lagu guulaystay in la bakhtiiyo
- Saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM oo sheegay inay ka shaqeynayaan sidii lagu adkeyn lahaa Ammaanka Baladweyne
- Bam Gacmeed Xalay lagu Weeraray Saldhigga Kismaayo iyo Howgallo Baaritaanno ah oo ka Socdo Degmagaasi
- AMISOM oo sheegtay inay Kismaayo ku qabteen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jirtay haweeney Hoggaamiye ah
- Kooxo hubeysan oo xalay toogasho ku dilay wariyihii Telefishinka Universal uga soo warrami jiray Magaalada Laascaanood