4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Kooxo hubeysan oo xalay toogasho ku dilay wariyihii Telefishinka Universal uga soo warrami jiray Magaalada Laascaanood

Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Wariye  Axmed Saakin Faarax oo u shaqeyn jiray TV-ga Universal.

Wararka aynu ka heleyno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in laba nin oo baastoolad ku hubeysan ay wariye Axmed Saakin toogteen xilli uu kasii baxayay gurigiisa.

Goobjooge ku sugan magaalada Laascaanood ayaa HOL u sheegay in niman hubeysan ay wariyaha soo weerareen xilli uu ku sugnaa banaanka kore ee gurigiisa, wuxuuna sheegay in ay dhowr xabadood madaxa kala dhaceen.

Dilka wariyaha kadib ayaa waxa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka maamulka Soomaaliland, wallow kooxihii dilka geeystay aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo.

Allaha u naxariistee Wariye Axmed Saakin Faarax ayaa dhawaan waxa xabsiga u taxaabay ciidamada ammaanka maamulka Somaliland, iyadoona wariyaha loo heystay war uu tabiyay oo ku saabsanaa taageero ay qaar kamid dadka deegaanka u muujiyeen ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Dilalka loo geysanayo saxafiyiinta ayaa mudooyinkii u danbeeyay ahaa kuwa isa soo tarayo, waxaana xusid mudan in aalaaba aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo kooxaha sida dhuumaaleeysiga ah u dila saxafiyiinta ka howgasha gudaha dalka Soomaaliya.

 Hiiraan Online News Desk