3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Maxkamadda darajada Koowaad ee Puntland oo dil Toogasho ku Xukuntay Nin Yemeni ah oo lagu qabtay hub kala duwan
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil toogasho ah ku ridday nin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu hub sharci-darro ah kasoo dajiyay deegaan ka tirsan gobolka Bari.

Eedeysanaha la xukumay oo lagu magacaabo, Saalixi Casiis Cabuud oo 50-jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Xarakada Al-shabaab, iyagoo laga sheegay maxkamadda in lasoo qabtay isaga iyo hubkiisa deegaanka Xaabo ee gobolka Bari.

Qareenkii u doodayay ninkan Yemniga ah ayaa wuxuu ka dalbaday maxkamadda in dambiga loo qafiifiyo maadaama uu isagu ahaa wadaha doonnida oo keliya, balse uu hubka watay nin kale oo baxsaday, balse qareenka waa laga diiday soo-jeedintiisa.

Garsooraha maxkamadda darajada koowaad ee Puntland ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu xukumay eedeysanaya inkastoo aan la sheegin xilliga lagu fulin doono, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ruux u dhashay dalka Yemen ay dil ku xukunto Puntland.

Hubka lagu qabtay ayaa la sheegay inuu isugu jiray qoryaha fudud, rasaas, walxaha qaraxyada laga sameeyo iyo baasuukayaal, waxaana hubka isla maanta lagu wareejiyay madaxtooyada Puntland.

Maamul goboleedka Puntland ayaa tan iyo sannadkii 2010 wuxuu la tacaalayay sidii uu uga adkaan lahaa xoogag taabacsan Al-shabaab oo deggen deegaanno ka mid ah kuwa ay ka taliyaan Puntland, kuwaasoo dagaallo culus la galay ciidamada Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/23/2012 10:36 AM EST
Talaado, October, 23, 2012 (HOL)- Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyadda ee AL-NUUR, ayaa 480 caruurta agoomaha ah ee ku jira xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa ugu deeqay dharkii iyo kabihii ay ku ciiddi lahaayeen, iyadoo sanad kasta iska xil saartay inay labadda Ciidood ee islaamka kafaalo qaado ka farxinta caruurtaasi iyo guud ahaan agabkii ay ku ciyaari lahaayeen.

10/23/2012 8:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada dowlada Somalia iyo xoogag taabacsan Al-shabaab ku dhexmaray maanta duleedka degmada Baydhabo ee xaruta gobolka Bay, kaasoo ay ku dhinteen inta la ogyahay shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.

10/23/2012 7:50 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Giulio Terzi.

10/23/2012 7:11 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Hoggaanka dambi-baarista booliiska Somalia ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho laba wiil iyo gabar la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab, iyadoo labada wiil la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho iyo Baydhabo.

10/23/2012 3:58 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) —Dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic ayaa ka dhacay wadada isku xirta degmada Badhaadhe iyo Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose.

10/23/2012 3:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in afar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay dagaal Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.

10/23/2012 3:19 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dalka Britain, kuwaasoo ay sheegeen inay jawaab u noqonayaan dagaalka ay kula jirto Islaamka iyo gacan gelintii ay u gacan-gelisay Abuu-Xamsa dowladda Mareykanka.