Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada dowlada Somalia iyo xoogag taabacsan Al-shabaab ku dhexmaray maanta duleedka degmada Baydhabo ee xaruta gobolka Bay, kaasoo ay ku dhinteen inta la ogyahay shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalkan oo ahaa mid ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus ayaa wuxuu qarxay kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen oo dhianca garoonka diyaaradaha ka xiga magaalada Baydhabo.
"Waa jirtaa in xoogag Al-shabaab taabacsan ay maanta soo weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen duleedka Baydhabo, balse ma sheegi karno hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waayo howgallo ayaa socda," ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan oo saxaafadda la hadlay.
Goobjoogayaal ku sugan halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen maydadka shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, balse aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dadka shacabka ah dagaalka.
Isbitaalka Baydhabo ayaa la dhigay dhaawacyo ka mid ah askartii dowladda ee ku dhaawacmay dagaalka, waxaana saldhiggii lagu dagaalamay weli gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa iyadu ka hadlin dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayo dagaallo ka dhacayay gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan markaasoo Al-shabaab laga qabsaday degmadaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaal khasaare nafeed geystay oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmarya duleedka Baydhabo
More News
- Shirkadda AL-NUUR Furniture oo ka farxisay Ciidda 480 caruur ah oo ka tirsan agoont magaaladda Hargeysa
- Maxkamadda darajada Koowaad ee Puntland oo dil Toogasho ku Xukuntay Nin Yemeni ah oo lagu qabtay hub kala duwan
- Madaxweyne Xasan Shiikh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo wafdi uu hoggaaminayay
- Hoggaanka dambi-baarista Booliiska Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dilal geystay
- Dagaallo ka Dhacay Nawaaxiga Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose
- Uganda oo sheegtay in Askar ka tirsan Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeellada Hoose
- Xarakada Al-shabaab ee Somalia oo markii ugu horreysay ku hanjabtay inay Qaraxyo ka geysan doono Dalka Britain