3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 23, 2012
Shirkadda AL-NUUR Furniture oo ka farxisay Ciidda 480 caruur ah oo ka tirsan agoont magaaladda Hargeysa


Talaado, October, 23, 2012 (HOL)- Shirkadda Agabka guryaha iyo xafiisyadda ee AL-NUUR, ayaa  480 caruurta agoomaha ah ee ku jira xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa ugu deeqay dharkii iyo kabihii ay ku ciiddi lahaayeen, iyadoo sanad kasta iska xil saartay inay labadda Ciidood ee islaamka kafaalo qaado ka farxinta caruurtaasi iyo guud ahaan agabkii ay ku ciyaari lahaayeen.

 

Shirkadan AL-NUUR furniture, ayaa  dharkii iyo agabkii caruurtii ku ciyaari lahaayeen ku wareejiyey agaasimaha xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa.

 

 Wareejinta dharkan waxa hadlay Xasan Waraabe Cadde oo sheegay in shirkadda AL NUUR sanad walba sida caadada u ah ay caruurta ugu deeqdo wixii ay ku ciiddi lahaayeen, isla markaana ay haboon tahay in talaabadaasi lagu daydo oo shirkadaha kalana caruurta caawiyaan.

 

“ Anigoo ka socda shirkada ALNUUR Furniture, waxaanu kafaalo qaadanay 480 caruur ah oo agoonta ah waxay xidhanayeen iyo haddii ay agabkii ku ciyaarayeen tahayba, waana ku soo wada qiyaasnay dhamaan caruurta mid walba cabirkiisa ayaanu u soo iibinay”ayuu yidhi maamulaha shirkadda Al-NUUR Furniture Maxamed Cabdi Faarax.

 

Agaasimaha xarunta agoomaha Caasho Maxamuud Qaalib ayaa iyana u mahadnaqday shirkada Alnuur ee had iyo goor la garab taagan caawinta caruurta, iyadoo ilaahay u bariday in meesha ay ka soo saareen wax ka wanaagsan ugu bedeleen, isla markaana ganacsatada waaweyn ugu baaqday inay ganacsadahan yar ku daydaan.

 


“ Shirkaddu waxay noogu deeqday dhammaan dharkii  iyo Kabihii ay ku ciidayeen caruurtu ilaa ilmaha dhashay ilaa ilmaha ugu weyn, shirkadan Al-NUUR maaha markii ugu horaysay ee uu keeno ee ciid walba oo timaada ciidal fidriga iyo ciida carafaba caruurta wuu ka farxiyaa oo isaga u soo iibiya dhamaan dharka ay xidhanayeen”ayey tidhi agaasimaha xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa, waxaanay fariin u dirtay ganacsatada waaweyn si ay xasuustaan caruurtan yar yar ee agoomaha ah, waxaanay tidhi “waana ganacsigii ugu horeeyey ee inta uu kafaalo qaado ku wadda, manaan arag xataa ganacsatada ka waaweyn qaar xiitaa soo xasuusta xarunta, waxaan odhanayaa uun ilaahay waxaad haysato ha ku barakeeyo, meesha intaasi ka soo baxday in ka badan oo ka qiimo badan ilaahay ha kugu bedelo oo bedelkeeda ilaahay baa ku siin doono”.

 

Shirkadan ayaa mar sanad walba ka farxisa caruurtan agoomaha ee magaaladda Hargeysa, waxaana agaasimaha xarunta ganacsatada waaweyn ugu baaqday inay hoos u eegaan caruurtan oo ay ku sadaqaystaan, iyadoo dhaliil usoojeedisay ganacsatada dalka.

 

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

[email protected]

Hargeysa, Somaliland

 













Click here
10/23/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Puntland oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil toogasho ah ku ridday nin u dhashay dalka Yemen oo lagu eedeeyay inuu doonayay inuu hub sharci-darro ah kasoo dajiyay deegaan ka tirsan gobolka Bari.

10/23/2012 8:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidamada dowlada Somalia iyo xoogag taabacsan Al-shabaab ku dhexmaray maanta duleedka degmada Baydhabo ee xaruta gobolka Bay, kaasoo ay ku dhinteen inta la ogyahay shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay.

10/23/2012 7:50 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Giulio Terzi.

10/23/2012 7:11 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Hoggaanka dambi-baarista booliiska Somalia ayaa maanta kusoo bandhigay Muqdisho laba wiil iyo gabar la sheegay inay ka mid ahaayeen Al-shabaab, iyadoo labada wiil la sheegay inay dilal ka geysteen Muqdisho iyo Baydhabo.

10/23/2012 3:58 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) —Dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic ayaa ka dhacay wadada isku xirta degmada Badhaadhe iyo Deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubada hoose.

10/23/2012 3:32 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegtay in afar ka mid ah ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah AMISOM lagu dilay dagaal Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan Muqdisho.

10/23/2012 3:19 AM EST
Talaado, Oktoobar 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaraxyo ka geysanayso dalka Britain, kuwaasoo ay sheegeen inay jawaab u noqonayaan dagaalka ay kula jirto Islaamka iyo gacan gelintii ay u gacan-gelisay Abuu-Xamsa dowladda Mareykanka.