![]() |
"Maanta waxaa Muqdisho noogu yimid wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaanga iyo wafdi uu hoggaaminayo, booqashadaanna waxay calaamad iyo billow u tahay xoojinta xiriirka caalamiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaasoo aan rajeynayno inuu dib u billowdo kaddib markii laga baxay xilligii KMG ahaa," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Talyaaniga iyo Soomaaliya ay horay u lahaayeen xiriir wanaagsan oo ay ka mid tahay caawinta uu talyaanigu caawinayo shacabka Soomaaliyeed, taasoo uu xusay inay sii socon doonto.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Muqdisho, isagoo xusay inuu madaxweynaha kala hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga ka dhexeeya.
"Madaxweynaha waxaan u sheegnay inaan ku faraxsannahay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya gaartay, waxaana kula talinay dowladda inay xoojiso horumarkaas, anigoo ku hadlaya afka dowladda Talyaanigana ay naga go'an tahay inaan taageero u fidinno Soomaaliya," ayuu yiri Terzi.
Wafdigan ayaa waxay noqonayaan kii ugu ballaarnaa ee dowladda Talyaaniga ay u soo dirto Soomaaliya Xasan Sheekh tan iyo markii xilka la doortay Soomaaliya bishii lasoo dhaafay ee September.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay intii wafdiga ka socda dalka Talyaaniga ay ku sugnaayeen caasimadda iyadoo si gaar ah loo adkeeyay amniga jidka isku xira garoonka iyo madaxtooyada Soomaaliya.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa isla maanta kulan kale kula yeeshay xarunta madaxtooyada wafdi ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, balse ma jirto wax faahfaahin ah oo saxaafadda laga siiyay wixii kulankaas kasoo baxay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
