4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 21, 2012
Maamulka gobollka Hiiraan oo ka warbixiyay qarax maanta ka dhacay magaalada Baladweyne

Axad, Oktoobar, 21, 2012  (HOL) – Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa ka warbixiyay qarax culus oo maanta ka dhacay mid ka mid ah xaafaddaha magaalada Baladweyne, xili ay howlgal miino baaris ah ku guda jireen ciidamada dowladda Itoobiya.

 

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobollka Hiiraan ee arrimaha nabad-galyada Axmed Cismaan Cadalla Inji ayaa sheegay in qaraxa u ahaa sida uu hadalka u dhigay mid lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah.

 

‘’Ciidamada Itoobiya waqtigaa waxaa ay ku jireen howlgalo miino baaris ah, qaraxa waxaa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah, waxaa ku dhaawacmay ilaa lix ruux.

 

Axmed Inji waxaa uu meesha ka saaray in ay jirto rasaas ay ciidamada dowladda Itoobiya fureen oo dad rayid ah wax ku noqday, isaga oo sheegay in dadka dhaawacmay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa dhacay.

 

Qaraxa saakay waabarigii hore ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa lagu soo beegay xili maalin kasta subaxa hore howlgalo lagu baarayo walxaha qaraxa ay ka sameeyaan ciidamada Itoobiya bartamaha magaalada Baladweyne.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya