3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2012
Markab sida shixnad ganacsi iyo Dooni Faaruq ah oo ku xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Magaalo Xeebeeda Kismaayo
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Markab sida shixnado ganacsi iyo dooni ayaa kusoo xirtay dakadda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo xilli dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ay gacan ku heynta degmadaasi kala wareegeen Al-shabaab.

Doonida ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid faaruq ah, waxaana ay u timid in ay qaado Dhuxul walow masuuliyiinta dowladda ay diideen in dhuxul laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Sida caadiga ah Maraakiibta iyo Doomaha shixnadaha ganacsi keeni jiray Kismaayo ayaa waxa lagu rari jiray Dhuxul taasoo loo iibgeeyo qaar katirsan wadamada carabta, waxayna arintaasi keentay in jarista dhirta ay noqoto ganacsiga ugu weyn ee gobollada Jubooyinka.

Sidoo kale waxa isla shalay magaalada kusoo xirtay Markab sida Shamiito kaasoo u rarnaa ganacsato reer Kismaayo ah, mana jiraan ilaa imika wax shaqo ah oo ka bilowday dekedda.

Mid kamid ah Ganacsatada Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in weli aysan jirin wax shaqo ah oo ka bilowday dekedda, wuxuuna xusay in uu jiro muran u dhexeeya masuuliyiinta dowladda iyo kuwa Raaskaambooni oo ku aadan maamulka dekedda.

"Weli wax shaqo ah ma bilaaban, waxaa socdo kulamo u dhexeeya masuuliyiinta dowladda iyo kuwa Raaskaambooni, waxaana naloo sheegay in shaqadu bilaaban doonto marka ay kulamadaasi soo dhamaadaan," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Degmada Kismaayo weli kama jiro maamul rasmi ah, walow uu imika shaqeynayo maamul ay si KMG ah u dhiseen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni, waxaana la filayaa in dhawaan magaalada Kismaayo loo wareejiyo kulan maamul loogu sameynayo gobollada Jubooyinka iyo Gedo kaasoo bilooyinkii u danbeeyay ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
10/17/2012 7:32 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan booliiska sida milateriga u tababaran ee Kenya ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib iskahorimaad gallinkii dambe xalay oo Arbaco ahayd ku dhexmaray magaalada Mombasa ciidamada Kenya iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

10/17/2012 6:57 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari caano siday ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku rasaaseeyeen inta u dhexeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Calamada ee duleedka Muqdisho.

10/17/2012 6:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib fadhigii aan caadi ahayn oo xildhibaannada baarlamaanku ay yeesheen kasoo la-horgeeyay ra'iisul wasaaraha cusub.

10/17/2012 6:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay laba wariye oo lagu magacaabo Khadar Max'uud Xareed iyo Jaamac C/laahi Cabdi (Ukun) kuwaasoo ka howlgeli jiray qaar katirsan idaacadaha Muqdisho.

10/17/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo horraantii bishan laga qabaday Al-shabaab ayaa qaarkood waxay ka cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaybta ka ahaa ciidamadii Al-shabaab kala wareegay magaaladaas.

10/17/2012 3:33 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo bilhiii ugu dambeeyay la wareegay degmooyin ay ka talinaysay Al-shabaab.

10/17/2012 3:27 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in ciddii doonaysa inay u tartanto madaxtinimada Puntland loo baahan yahay in ay xisbi samaysato oo ay ka qaybgasho tartanka doorashada madaxtinimada.

10/17/2012 2:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka waxay codka kalsoonida ugu qaadayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib marka ay ka dhageystaan warbixin ku saabsan waxqabadkiisa soo socda iyo xukuumadda uu soo dhisayo.

10/17/2012 2:44 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka reer Somaliland iyo ururka siyaasadeed ee Wadani kaga tacsiyeeyay geeriddii ku timid guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee urukaasi oo shalay shil gaari ku geeriyooday.