3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2012
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib fadhigii aan caadi ahayn oo xildhibaannada baarlamaanku ay yeesheen kasoo la-horgeeyay ra'iisul wasaaraha cusub.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana fadhiga shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka dalbaday xildhibaanada inay codkooda siiyaan ruuxii ay u arkaan inuu dalka wax ka qaban karo, waxaana fadhiga xaadiray 215 xildhibaan.

"Cod aqlabiyad ah ayaa lagu ansixiyay ra'iisul wasaaraha, codeyntu waxay ahayd mid gacan-taag ah, dhammaan mudanayaashii soo xaadiray kulanka oo tiradoodu ahayd 215 xubnood way ansixiyeen mana jirto mudane diiday iyo mid ka aamusay," ayuu yiri mid ka mid ah mudayaasha baarlamaanka oo HOL la hadlay codeynta kaddib.

Ra'iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka lagu ansixiyay intii aan codka la qaadin ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ka shaqeysa sugidda ammaanka, horumarinta arrimaha bulshada iyo soo celinta xiriirka Soomaaliya ay la lahayd dalalka caalamka.

"Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay ka shaqeyn doonaan sidii ay jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen tacliin. Sidoo kale, waxaan ka shaqeyn doonaan sugidda ammaanka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka," ereyadan waxay ka mid ahaayeen khudbadii uu ra'iisul wasaaruhu u jeediyay xildhibaannada intii aan loo qaadin codka kalsooni siinta.

Wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya ma uusan sheegin xilliga uu rasmi ahaan soo bandhigi doono golihiisa wasiirrada, balse wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay noqon doon doonto mid tayo leh oo xoogga saarta siyaasadaha arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna hadal ka jeediyay fadhiga ayaa sheegay inuu ku doortay ra'iisul wasaare Cabdi Saacid inuu yahay nin ay wada-shaqeyn karaan sidoo kalena wax ka bedeli kara xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in ra'iisul wasaaraha uu sidda ugu dhaqsiyaha badan kusoo dhisi doono xukuumadda, waxaana madaxaweynuhu uu intii aan la ansixiyay ra'iisul waasaraha ka dalbaday mudanayaasha baarlamaanka inay codkooda ay siiyaan ra'iisul wasaraha sidii ay isagaba u siiyeen, wuxuuna ballanqaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono inta ay kursiga ku fadhiyaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamada Sare Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa isla goobta ku dhaariyay ra'iisul wasaaraha cuusb ee Soomaaliya, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu ra'iisul wasaaruhu yahay mid sharci ah oo howshiisa gudo-geli kara.

Codadka lagu ansixiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa kuwo aqlabiyad ah ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo lagu ansixiyo ra'iisul wasaare soo maray dalka, iyadoo aysan jirin mudane diiday iyo mid ka aamusay cod u qaadidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
10/17/2012 7:32 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan booliiska sida milateriga u tababaran ee Kenya ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib iskahorimaad gallinkii dambe xalay oo Arbaco ahayd ku dhexmaray magaalada Mombasa ciidamada Kenya iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

10/17/2012 6:57 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari caano siday ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku rasaaseeyeen inta u dhexeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Calamada ee duleedka Muqdisho.

10/17/2012 6:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Markab sida shixnado ganacsi iyo dooni ayaa kusoo xirtay dakadda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo xilli dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ay gacan ku heynta degmadaasi kala wareegeen Al-shabaab.

10/17/2012 6:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay laba wariye oo lagu magacaabo Khadar Max'uud Xareed iyo Jaamac C/laahi Cabdi (Ukun) kuwaasoo ka howlgeli jiray qaar katirsan idaacadaha Muqdisho.

10/17/2012 3:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo horraantii bishan laga qabaday Al-shabaab ayaa qaarkood waxay ka cabanayaan dhac ay sheegeen inay u geystaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaybta ka ahaa ciidamadii Al-shabaab kala wareegay magaaladaas.

10/17/2012 3:33 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo bilhiii ugu dambeeyay la wareegay degmooyin ay ka talinaysay Al-shabaab.

10/17/2012 3:27 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in ciddii doonaysa inay u tartanto madaxtinimada Puntland loo baahan yahay in ay xisbi samaysato oo ay ka qaybgasho tartanka doorashada madaxtinimada.

10/17/2012 2:54 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka waxay codka kalsoonida ugu qaadayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib marka ay ka dhageystaan warbixin ku saabsan waxqabadkiisa soo socda iyo xukuumadda uu soo dhisayo.

10/17/2012 2:44 AM EST
Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka reer Somaliland iyo ururka siyaasadeed ee Wadani kaga tacsiyeeyay geeriddii ku timid guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee urukaasi oo shalay shil gaari ku geeriyooday.