Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay laba wariye oo lagu magacaabo Khadar Max'uud Xareed iyo Jaamac C/laahi Cabdi (Ukun) kuwaasoo ka howlgeli jiray qaar katirsan idaacadaha Muqdisho.
Wariye Jaamac Ukun oo u shaqeyn jiray Radio Kulmiye ayay ciidamada Nabadsugidda ka kaxeysteen Goob lagu shaaheeyo oo ku dhow xarunta idaacadda waxaana ilaa imika la garanayn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysay xariga loo geystay wariyeyaashani.
Wariye Khadar Max'uud Xareed oo isna ka shaqeyn jiray idaacadda Goobjoog horena ula soo shaqeeyay idaacado iyo Tv-yo kala duwan ayaa la sheegay in ciidamada nabadsugidda ay ka kaxeysteen goob u dhow idaacadda Goobjoog oo uu ka shaqeynayay, waxaana la sheegay in ciidamadu ay la dhaceen qoriga liifkiisa xilligii ay kaxeynayeen.
Ayaan Gooni oo ah Xaaska wariye Khadar Max'uud Xareed oo aan qadka teleefonka kula xiriiray ayaan ka wareystay xariga loo geystay ninkeeda, waxayna sheegtay in ciidamo katirsan Nabadsugidda ay kaxeysteen islamarkaasina loo sheegay in la geeyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkasoo su'aalo lagu weydiinayo.
"Walaahi ma garanayo sababta lagu heysto, shalay ayaan tagay madaxtooyada waa la ii diiday in aan la kulmo, waxaana la sheegay in si xun loo jidilay, maanta 8-da duhurnimo ayaan maxkamad soo saareynaa ayay i dheheen" ayay hadalkeeda raacisay.
Ilaa imika lama garanayo sababta ka danbeeysay xariga wariyeyaashani, haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin xoogagga Al-shabaab.
Labadani wariye ayaa hore uga howlgeli jiray Magaalada Kismaayo, waxaana wariye Khadar uu magaalada Muqdisho yimid bishii June ee sanadii 2011, iyadoo Wariye Jaamac Ukun uu magaalada Muqdisho ku suganyahay ku dhowaad Bil, waxaana wariyeyaal ku dhow dhow labadani saxafi ay inoo sheegeen in habayaraatee aysan wax lug ah ku lahayn Al-shabaab islamaraasina ay magaalada Muqdisho u yimaadeen sababo la xiriira ammaankooda.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Wariye horay uga soo shaqeeyay Kismaayo
More News
- Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidanka Booliiska Kenya iyo Xoogag Al-shabaab Taabacsan ku dhexmaray Magaalada Mombasa
- Rasaas ay Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ku fureen Gaari Rakaab Siday oo Sababtay dhimaho iyo mid dhaawac
- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Markab sida shixnad ganacsi iyo Dooni Faaruq ah oo ku xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Magaalo Xeebeeda Kismaayo
- Shacabka ku nool Kismaayo oo sheegay inay dhac kala kulmaan ciidamada dowaldda Soomaaliya xilliyada ay Baarista Sameynayaan
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ciiddii doonaysa inay ka Qayb-gasho Tartanka Madaxnimo ee Puntland ay sameysato Xisbi
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta codka Kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Ururka WADANI oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Berbera