Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo bilhiii ugu dambeeyay la wareegay degmooyin ay ka talinaysay Al-shabaab.
Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dagaalladu aysan joogsanayn illaa ay ciidamada ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya ay isaga baxayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
"Dagaalka waan wadaynaa illaa aan ka gaarno hadafkeenna oo ah inaan dalka oo dhan ka saarno ciidamada shisheeye, gaar ahaan goobihii ay dhawaan galeen," ayuu yiri afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu ka hadlay dagaal shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay khasaarooyin fara badan ka dhasheen, isagoo sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay uga hortagayeen isballaarin ay wadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
"Dagaalkii shalay wuxuu ahaa mid aan uga hortagaynay duullaan ay soo qaadeen ciidamada cadowga dib ayaana u celinay, waxaana kaga dilnay dagaalkaas askar badan," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo aan sheegin khasaare dhankooda kasoo gaaray dagaalka.
Xarakada Al-sabaab ayaa tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii hore waxay isaga baxayeen deegaanno badan oo ay ka talinayeen, kuwaasoo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
More News
- Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidanka Booliiska Kenya iyo Xoogag Al-shabaab Taabacsan ku dhexmaray Magaalada Mombasa
- Rasaas ay Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ku fureen Gaari Rakaab Siday oo Sababtay dhimaho iyo mid dhaawac
- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Markab sida shixnad ganacsi iyo Dooni Faaruq ah oo ku xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Magaalo Xeebeeda Kismaayo
- Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Wariye horay uga soo shaqeeyay Kismaayo
- Shacabka ku nool Kismaayo oo sheegay inay dhac kala kulmaan ciidamada dowaldda Soomaaliya xilliyada ay Baarista Sameynayaan
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ciiddii doonaysa inay ka Qayb-gasho Tartanka Madaxnimo ee Puntland ay sameysato Xisbi
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta codka Kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Ururka WADANI oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Berbera