Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in ciddii doonaysa inay u tartanto madaxtinimada Puntland loo baahan yahay in ay xisbi samaysato oo ay ka qaybgasho tartanka doorashada madaxtinimada.
Faroole ayaa hadalkan ka sheegay degmada Eyl ee gobolka Nugaal halkasoo uu kula hadlayay boqolaal qof oo isugu soo baxay halkaasoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uu ku joogay socdaallo shaqo.
"Ciddii doonaysa inay u tartanto madaxnimada Puntland waa inay xisbi siyaasadeed sameysato, waayo waxaa loo guurayaa hanaanka axsaabta, taasoo aan horay uga jirin Puntland," ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo intaas ku daray in howshan ay tahay mid aan horay loo qaban.
Sidoo kale, madaxweynaha Puntland wuxuu ka hadlay ammaanka iyo waxqabadka xukuumadiisa, isagoo sheegay in howlwadeennada maamulkiisa ay intooda badan yihiin dad dhallinyaro ah oo aqoon leh, isagoo xusay inay horumarro badan kusoo kordhiyeen Puntland.
"Ammaanka Puntland waa mid wanaagsan, waayo shacabka iyo ciidamadu waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen sidii ammaanka loo adkeyn lahaa... goobaha khatarta badani ay ka jiri jirtay waxaa ka mid ah Gaalkacyo maantana waa nabad," ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole.
Hadalka madaxweyanha Puntland ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli lagu wado inay sannadka soo socda ee 2013-da ka dhacaaan 21-ka degmo ee Puntland ay ka kooba tahay doorashooyinka golaha deegaanka.
Xisbiyada siyaasadeed ee is-diiwaangeliya ayaa tartankaas ka qaybqaadan doona, iyadoo asxaabtu ay ku tartami doonaan kuraasta golayaasha deegaanka, iyadoo ay ka dhici doonaan deegaannadaas tartamo kale oo ku baarlamaanka Puntland ah.
Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa xilka madaxweynimo ee Puntland ku guuleystay sanadkii 2009, kaddib markii uu tartan la galay murashaxiin fara badan oo isku soo taagay qabashada xilka madaxnimo ee Puntland.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ciiddii doonaysa inay ka Qayb-gasho Tartanka Madaxnimo ee Puntland ay sameysato Xisbi
More News
- Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidanka Booliiska Kenya iyo Xoogag Al-shabaab Taabacsan ku dhexmaray Magaalada Mombasa
- Rasaas ay Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ku fureen Gaari Rakaab Siday oo Sababtay dhimaho iyo mid dhaawac
- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Markab sida shixnad ganacsi iyo Dooni Faaruq ah oo ku xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Magaalo Xeebeeda Kismaayo
- Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Wariye horay uga soo shaqeeyay Kismaayo
- Shacabka ku nool Kismaayo oo sheegay inay dhac kala kulmaan ciidamada dowaldda Soomaaliya xilliyada ay Baarista Sameynayaan
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta codka Kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Ururka WADANI oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Berbera