Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka waxay codka kalsoonida ugu qaadayaan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) kaddib marka ay ka dhageystaan warbixin ku saabsan waxqabadkiisa soo socda iyo xukuumadda uu soo dhisayo.
Mudane Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah xoghayeyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka maanta uu shir-guddoomin doono Prof. Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka codka loogu qaadi doono ra'iisul wasaaraha.
"Haddii ay noqonto in codka kalsoonida loo qaado ra'iisul wasaaraha keligiis waa loo qaadayaa, sidoo kale haddii uu wato liiska golihiisa wasiirrada iyadana codka waa loo qaadayaa," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo sheegay in qorshuhu yahay in ra'iisul wasaaraha fursad loo siiyo howshiis haddii lagu qanco warbixintiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u magacaabay ra'iisul wasaare Cabdi Saacid lixdii bishan Oktoobar, isagoo kala soo dhex-baxay in ka badan laabtan xubnood oo isku soo taagay inay jagadan qabtaan, wuxuuna madaxweynuhu sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay inuu wax ka qaban karo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
Inkastoo aan la ogeyn go'aanka uu baarlamaanku qaadan doono, haddana waxaa jira warar hoose oo sheegay inay u badan tahay in xildhibaannadu ay kalsoonidooda siiyaan ra'iisul wasaaraha, iyadoo haddii kalsoonida uu helo isla maanta la dhaarin doono.
Soomaaliya ayaa waxay ka baxday bishii Ogoosto ee sannadkan xilligii KMG ahaa oo dowladihii hore ay kusoo shaqeynayeen muddo 12-sano ah, iyadoo mas'uuliyinta dowladdan ay dhammaantood yihiin xubno ku cusub siyaasadda dalka, rajo weynna laga qabo inay wax ka bedeli karaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta codka Kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
More News
- Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidanka Booliiska Kenya iyo Xoogag Al-shabaab Taabacsan ku dhexmaray Magaalada Mombasa
- Rasaas ay Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ku fureen Gaari Rakaab Siday oo Sababtay dhimaho iyo mid dhaawac
- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Markab sida shixnad ganacsi iyo Dooni Faaruq ah oo ku xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Magaalo Xeebeeda Kismaayo
- Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Wariye horay uga soo shaqeeyay Kismaayo
- Shacabka ku nool Kismaayo oo sheegay inay dhac kala kulmaan ciidamada dowaldda Soomaaliya xilliyada ay Baarista Sameynayaan
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ciiddii doonaysa inay ka Qayb-gasho Tartanka Madaxnimo ee Puntland ay sameysato Xisbi
- Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Ururka WADANI oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Berbera