3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo la kulmay Wakiilka Wadamada ee WFP.


Axad, May 06, 2012 (HOL): Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Stefano Porretti oo ah Wakiilka Wadamada ee WFP. Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha gargaarka iyo kuwa bini’aadanimo sidii wax looga qaban lahaa.

Kulanka kadib ayaa waxaa ugu horeyn saxaafadda la hadlay Wasiirka Qorsheynta Cabdulaahi Goodax Barre oo sheegay in mas’uuliyiinta ka socota  hay’add Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada ee WFP ay ka wada hadleen xaaladda gargaar iyo xilliga lagalayo ee xilli roobeedka ah islamarkaana ay barakacayaasha xaaladooda isbedeli doonto iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay roobabka geysan karaan.

Sidoo kale waxaa saxaafadda la hadlay Stefano Porretti oo ah Wakiilka Wadamada ee WFP ayaa aad uga mahadceliyay Xukuumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeyso hay’adda iyo dowladda KMG Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale sheegay in hay’adda aysan ka shaqeynin oo kaliya Cuntada balse ay ogyihiin shacabka Soomaaliyeed balse hadda waxaan xukuumadda ka wada hadalnay xaaladaha gargaarka iyo sidii loo xoojin lahaa gargaarka shacabka Soomaaliyeed iyo inagoo ka gaashaamaneyno xilli roobeedka soo socdo si aysan wax dhibaato ah ugu geysan barakacayaasha.


Dhinaca kale  wuxuu tilamaay in hay’adda WFP ay Soomaaliya ka fulisay mashaariic kala duwan kuwaa oo aan aheyn cunada oo kaliya islamarkaana ay sii jibaarayaan howlaha ay ka wadaan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta ayaa tilmaamay in hay’adda WFP iyo Xukuumadaba ay ka wada shaqeynayaan hormarinta arrimaha gargaarka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed.


Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/6/2012 9:03 PM EST
Isniin, May 07, 2012(HOL): Fanaanniin, aqoonyahanno iyo waxgarad ku nool magaalada Stockholm ee caasimadda Dalka Sweden ayaa gurmad intii karaankooda ah u sameeyay Abwaan Axmed Cabdi Gaashaan oo Muqdisho ku xanuunsanaya, isagoo qaba dhaawac ka soo gaaray qaraxii Tiyaatarka ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhasheen.

5/6/2012 4:18 PM EST
Axad, May 06, 2012-Dalka Faransiiska ayaa markii ugu horreysay muddo 17 sano ah yeeshay madaxweyne ka socda Xisbiga Socialist Party ee dalkaas, kaasi oo lagu magacaabo Francois Hollande.

5/6/2012 1:10 PM EST
Axad,May 06, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay lix xubnood oo uu hogaaminayo u qaybsamaha arrimaha Soomaaliya ee Maraykanka Mr: Douglas Meurs ee safaaradda Nairobi ee dalka Kenya.

5/6/2012 1:08 PM EST
Axad, May 06, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Digreeto Madaxweyne xilkii uu hayey kaga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Salal, Mudane, Maxamed Muuse Bucul, waxaanu gudoomiye cusub u magacaabay gobolkaasi Nuur CIsmaan Guuleed.

5/6/2012 6:58 AM EST
Axad, May 06, 2012 (HOL) — Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in howgallada ciidamada AMISOM lagu baahin doono gabi ahaan dalka Soomaaliya, isagoo xusay inay tegi doonaan demgooyinkii laga saaray Al-shabaab.

5/6/2012 6:47 AM EST
Axad, May 06, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Zambia ayaa xiray safaaraddii ay ku lahayd Soomaaliya magaalada Lusaaka ee xarunta dalkaas Kaddib markii uu dagaal dhexmaray safiirkii Soomaaliya ee dalkaas iyo safiir cusub oo sheegay inuu xilkaas u magacabaay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

5/6/2012 6:28 AM EST
Axad, May 06, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dhismayaal cusub, iyadoo weli ammaankeedu uu yahay mid aan wanaagsanayn, waxaase dadku iyo madaxda dowladdu ay rajo ka muujinayaan in ammaanku uu sidan ka wanaagsanaan doono.

5/6/2012 5:46 AM EST
Axad, May 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo hadal dheer ka jeediyay kulankii furitaanka shirkii odayaasha-dhaqanka ee Muqdisho ka furmay ayaa sheegay inaanu dalka ku jiri karin KMG, isagoo xusay inaysan jirin duruuf kallifaysa in lagu sii jiro.

5/6/2012 2:55 AM EST
Axad, May 06, 2012 (HOL) — Hoggaamiyihii hore ee ururkii Xisbul Islaam, haddana ah sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in dowladda KMG ah ay tahay mid aan jirin, sidoo kalena wuxuu aad u dhaliilay dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo.

5/6/2012 2:54 AM EST
Axad, May 06, 2012 (HOL) — Urur-diimeedka Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay inaysan jirin cid uga qaybgalaysa shirka odayaasha-dhaqanka ee shalya Muqdisho ka furmay, kaasoo lagu soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya uu yeelanayo mustaqbalka dhow.