4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna oo sheegay in ururkoodu aysan cidna uga qaybgalayn shirka ka furmay Muqdisho

Axad, May 06, 2012 (HOL) — Urur-diimeedka Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay inaysan jirin cid uga qaybgalaysa shirka odayaasha-dhaqanka ee shalya Muqdisho ka furmay, kaasoo lagu soo xulayo ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya uu yeelanayo mustaqbalka dhow.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Cumar Cabdulqaadir Aadan oo hadlay isagoo ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay inay u arkaan shirka arrin dhibaato ka imaan karto, wuxuuna intaas ku daray in qaar ka mid ah 135 oday qaar ka mid ah lagu keenay siyaasad.

"Ahlusunna ahaan cid nooga qaybgalaysa oo aan u dirnay shirka ma jirto, waxaan qorsheynaynaa inaan ergooyinkii nooga qaybgeli lahaa magacowno, dhawaanna aan gudbinno," ayuu yiri Sheekh Cumar.

Ururka Ahlusunna ayaa wuxuu ka mid yahay saxiixayaashii heshiiskii Roadmap-ka iyadoo shirka lagu ansixinayo dastuurka iyo kan lagu xulayo xildhibaannada cusub ee uu dalku yeelanayo ay qayb ka yihiin heshiiskii tubta nabadda.

Sheekh Cumar C/qaadir wuxuu sheegay in deegaannada ay ka taliso Ahlusunna ay yihiin kuwo ballaaran, aysanna jirin odayaal ka baxay oo shirka ka qaybgalya, balse dowladda KMG ah ayaa sheegtay in odayaashii gobollada dhexe ka imaan lahaa ay maanta oo Axad ah soo gaarayaan Muqdisho kuna biirayaan shirka odayaasha.

Odayaal-dhaqameedyada ka qaybgalaya shirka ayaa waxay ka kala yimaadeen gobollada dalka qaarkood, iyadoo sidoo kale ay jiraan gobollo aysan odayaal ka imaan, iyadoo sidoo kalena ay jiraan odayaal sheegay in loo diiday inay shirkaas ka qaybgalaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya