4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Taliyaha cusub ee Howgalka AMISOM oo sheegay in howl-galkooda ay ku baahin doonaan Soomaaliya oo dhan

Axad, May 06, 2012 (HOL) — Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in howgallada ciidamada AMISOM lagu baahin doono gabi ahaan dalka Soomaaliya, isagoo xusay inay tegi doonaan demgooyinkii laga saaray Al-shabaab.

Jen. Gutti ayaa sheegay in ciidammo ku filan inay howshan qabtaan ay joogaan dalka, wuxuuna sheegay in qorshahoodu yahay inay dalka Soomaaliya oo dhan ka dhigaan goobo ammaan ah.

"Goobaha aan tagayno waxaa ka mid ah gobollada Koonfurta iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya, waxaana isku diyaarinaynaa inaan gacan ka geysanno sidii looga saari lahaa Al-shabaab dhulka ay hadda ku sugan yihiin," ayuu yiri taliyaha oo hadalkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu bixiyo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay Jen. Fred Mugisha oo muddo bilooyin ah xilkan hayay, waxaana uu sheegay Arbacadii lasoo dhaafay oo uu xilkan sida tooska ah ula wareegay inuu howsha halkeedii kasii wadi doono.

Cutubkii ugu horreeyay AMISOM oo gaaraya 100-askari oo la geeyo meel ka baxsan Muqdisho ayaa waxaa la geeyay bishii hore magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxaana la sheegay inay hordhac u yihiin 2,500-askari oo AMISOM ah oo loogu talogalay inay ka howlgalaan gobollada Bay iyo Bakool.

Ugu dambeyn, taliyaha AMISOM wuxuu sheeagy in dalka Kenya uu si rasmi ah uga mid noqday howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda, ayna dhawaan ka filayaan dalka Sierra Leone ay hal batalyan oo ciidammo ah kusoo biiri AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya