4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Dalka laguma sii-hayn karo KMG, mana jirto duruuf kallifaysa in KMG lagu sii jiro"

Axad, May 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo hadal dheer ka jeediyay kulankii furitaanka shirkii odayaasha-dhaqanka ee Muqdisho ka furmay ayaa sheegay inaanu dalka ku jiri karin KMG, isagoo xusay inaysan jirin duruuf kallifaysa in lagu sii jiro.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Roadmap-ka iyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, wuxuuna siyaasiyiinta uu damaca kaga jiro inay xil ka qabtaan dalka looga baahan yahay inay u furan tahay, balse loo baahan yahay in dhaqanka la bedelo.

"Ku-meel-gaarnimo wax ummad lagu hayo ma ahan, duruuf kallifaysana ma jirto in KMG ku jiro, sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan in dadaal lagu bixiyo sidii looga bixi lahaa," ayuu yiri Sheekh Shariif. "Haddii aan kaftamo, KMG-nimo dhibka ay leedahay aniga hala i weydiiyo," ayuu Sheekh Shariif ku kaftamay.

Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in shirkan uu u hoggaaminayo dalka sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah, isagoo sheegay in howsha ay wadaan ay tahay sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah ee muddada dheer lagu soo jiray.

Qabyo-Qoraalka Dastuurka:

Madaxweynuhu mar uu ka hadlay dastuurka ayuu sheegay inaysan jirin ummad noolaan karta dastuur la'aan; isagoo sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay oo dastuur la sameeyo, balse ay ugu horreysay 1960-kii, wuxuuna intaas raaciyay in sannadihii burburka loo baahday in la sameeyo dastuur dhameysiran.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wax walba oo bani'aadam uu sameeyo ay nusqaan ku jirto, sidaa daraadeedna uu hadda soo gaaray dastuurka, wixii hadda ka dambeeya uu gaari doono dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dadkii dadaalka kusoo bixiyay qoraalka dastuurka aan la dacaayadeyn, balse ay tahay in loo mahadceliyo, isagoo sheegay in hadda la haysto fursad wax lagu dhisi karo, lagana saaro wixii khalad ah.

"Dadka waxa kala gaara waa dowladnimo, waa cadaalad, waxaana saldhig u ah dastuurka. Innagoo heli karna inaan wax dhisno waa laga wanaagsan yahay inaan wax duminno," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay khudbaddiisa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dastuurka marka la ansixiyo kaddib ay sii socon doonto wax ka badalkiisa inta laga gaarayo in afti qaran loo qaado. Wuxuuna xusay in dastuurkan uu yahay mid ilaalin doona caqiidada dadka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in laga gudbo kala shakiga lana dacaayadeeyo dadka ku howlan qoraalkiisa.

Dhameystirka Roadmap-ka:

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka hadlay dhameystirka heshiiska Roadmap-ka ee looga baxayo xilliga KMG ah, isagoo sheegay inuu marayo in odayaashu ay noosoo xulaan ergadii, waxaana noogu xigi doona ansixin dastuurka iyo xuluddii xildhibaannada, isagoo ku daray intaas in dhismaha ciidamada meel wanaagsan ayay marayaan, sidaasoo kale waxaa meel wanaagsan isku keenidda ummadda Soomaaliyeed iyo heshiisiintooda.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in arrimahaas haddii sida ay yihiin loo hirgelinno sida ay yihiin in la gaarayo deggenaasho buuxda oo dalka kusoo laabata, maamullada degmooyinka iyo gobollada oo dhisma, hay'adaha dowladda oo xoogeysta iyo Soomaaliya oo dib ula soo laabata karaamadeedii.

Siyaasadda dalka:

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo siyaasadda daneynaya, wuxuuna xusay inaysan jirin cid ay si gaar ah ugu xiran tahay oo ay u furan tahay cid walba oo Soomaali ah, isagoo sheegay inay doonayaan in nidaamkii hore laga bedelo oo ahaa wax duminta iyo in wax lagu raadiyo si aan fiicnayn.

"Waxaan doonaynaa in siyaasadda dalka lagu raadiyo waxqabad ummadeed lagana shaqeeyo horumarkeeda, mana ahan wax la aqbali karo duminta ummadda iyo dhibaateynteeda," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhibaatooyin badan lasoo maray oo ay ka mid yihiin qabiil, fowdo, dowlad la'aan iyo Shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo xusay in loo baahan yahay in waxyaabahaas oo dhan laga faa'iideysto oo laga shaqeeyo sidii lagu soo celin lahaa qarannimadii Soomaaliya.

Horumarinta dalka iyo ka bixidda burburka:

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in horumarinta dalka iyo ka bixitaanka burburkii gaaray uu ku xiran tahay sida loo ambaqaado barnaamijka soo socda oo ah dhameystirka geeddi-socodka nabadda, isagoo sheegay in inta ku-meel-gaar lagu jiro aan xor loo ahayn in la gaarsiiyo qaranka meeshii la rabay.

"Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray caqabadaha ugu badan ee ay wax ka qaban waayeen waxay ahaayeen KMG-ka, sidoo kalena waxaa ka mid ahaa sharciga lagu dhaqmayay oo ahaa kuwo aan la jaan-qaadi karin waxyaabihii lasoo maray," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in maanta ay Soomaaliya u billaabatay dowladnimo iyo iftiin, horumarna laga gaaray siyaasadda, ammaanka iyo arrimaha bulshada, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay xilligan doonayaan in laga gudbo marxladda KMG ah loona gudbo marxalad caadi ah.

Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu u mahadceliyay dadkii iyo dowladihii gacanta ka geystay dhismaha dowladihii dalka soo maray, isagoo sheegay in dad badan ay is weydiinayaan in dowladihii hore lagu soo dhisi jiray dalka dibaddiisa, taasoo uu ku sheegay inay ahayd duruuf jirtay, haddase taas laga gudbay oo la haysto ka jirta dalka gudihiisa.

Ugu dambeyn, wuxuu madaxweynuhu sheegay in DKMG ah ay soo dhaweynayso qof walba oo fikir fiican kusoo biirinaya, isagoo sheegay in dadka looga baahan yahay inay dhexda u xirtaan sidii dalka uu isbedel uga dhici lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya