4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Maamulka Al-shabaab ee Degmada Bu'aale oo eryay Odayaal Dhaqameed

Jimco, May 04, 2012 — Maamulka xarakada Al-shabaab ee magaalada Bu'aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa gobolka ka eryay qaar katirsan odayaal dhaqameedyo caan ka ah gobollada Jubooyinka.

Odoyaasha la eryay ayaa garayay ilaa afar odoyaal dhaqameed oo uu ku jiro Ugaask Beesha Cawlyahan Ugaas Max'uud Ugaas Xuseen, waxaana ay arintani ka danbeeysay kadib markii ay ka dhago adeygeen awaamiir kasoo baxday maamulk Bu'aale, taa oo ahayd in ay abaabulaan dibadbaxyo lagu Taageerayo Al-shabaab Islamarkaasina looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya.

Ugaas Max'uud Ugaas Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Bu'aale uu amar ku siiyay in ay magaalada uga baxaan 24-saac gudahood, isagoona sheegay in amarkaasi la siiyay isaga iyo afar odoyaal dhaqameed oo caan ka ah gobolka Jubada Dhexe.

Mid kamid dadka deegaanka Bu'aale ayaa HOL u sheegay in odoyaasha ay lagu amray in ay magaalada isaga baxaan, waxaana uu sheegay in arintani ay siweyn ula yaabeen shacabka ku dhaqan gobolka Jubada Dhexe.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan xoogagga Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay go'aanka odoyaal dhaqameedka looga masaafuriyay gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya