Jimco, May 04, 2012 (HOL) - Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo maantay soo bandhigtay warbixinteeda sannadlaha ah ayaa sheegtay in tacadiyo xoog leh ay ciidamada Kenya u gaystaan dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ah.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in xadgudubyada ugu badan ay ka dhacaan xuduuda ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ciidamada Kenya ay tacadiyo u gaystaan dadka Soomaalida ah iyagoo ka jawaabaya weerarada uga yimaada kooxaha maleeshiyaadka ah.
Mid kamid ah kiisaska ay Human Rights Watch soo bandhigtay ayaa ka sheekaynaysa gabar Soomaaliya oo uu kufsaday askari Kenyaati ah, taasoo ka dhacday xerada qaxootiga ee Dhadhaab xilli ay ciidamada Kenya hawlgal ka fulinayeen halkaas bishii December ee sannadkii 2011ka.
Human Rights Watch ayaa warbixinteeda kaga hadashay in ciidamada Kenya ay dadka qaxootiga ah kula kacaan falal isugu jira kufsi,dhac iyo waliba jirdil.
Waxaana ay hay’adu sheegtay in dawladda Kenya ay u saartay guddi baaritaan ku sameeya tacadiyada lagu eedaynayo ciidankooda.
Human Rights Watch oo maanta warbixintan ku soo bandhigtay magaalada Nairobi ayaa ka digtay sii socoshada gabood fallada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka iyo tacadiyada ay ciidamada Kenya u gaystaan dadka qaxootiga ah, gaar ahaanna xilliyada ay socdaan hawlgallada lagu baadi goobayo kooxaha looga shakisanyahay inay fuliyaan weerarada ka dhanka ciidamada ammaanka ee Kenya.
Dawlada Kenya wali wax jawaab ah kama bixin eedaymaha loo soo jeediyay ciidankeeda, balse warbixin noocaan oo kale oo sannadkii hore ay Human Rights Watch soo bandhigtay ayay dawladu sheegtay inay baaritaan ku samayn doonto askarta sameeya ficillo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Human Rights Watch oo soo bandhigtay tacadiyada ay ciidamada Kenya ku hayaan qaxootiga Soomaalida
More News
- COL CABAAS IBRAAHIM: “Mar Dhow Gacanta ayaan ku Dhigeynaa Magaalada Baardheere
- Maamulka Al-shabaab ee Degmada Bu'aale oo eryay Odayaal Dhaqameed
- Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan
- Guddoomiye Tarzan oo Turkiga u dhoofay
- Kooxda Waayaha Cusub oo xaflad ku qabtay Easleigh (DAAWO SAWIRRO)
- Shirka xulidda guddiga Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo lagu wado inuu berri si rasmi ah uga furmo Magaalada Muqisho
- Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay fashiliyeen Shirkii Dhuuso-mareeb oo uu ku sheegay Shirqool ay Itoobiya wadatay
- Madaxweyne Shariif oo sheegay inaysan Aqbalayn Dastuurka oo la diido Laakiin ay ogol yihiin in qodobadiisa laga hadlo
- Dawladda Hoose Hargeysa oo dadka uga digtay Qashinka lasoo raacinayo Daadadka Roobabka, Kuwaasoo Awdaya biyo Mareennadda
- Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca oo toogasho ku dilay laba qof oo loo qabtay Qaraxii ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb
- Madaxweynaha dalka Kenya oo Beesha Calaamka ka codsaday in gacan laga siiyo dib u celinta Qoxootiga Soomaalida
- Kooxo Weeraray guri ay deggenaayeen ciidamada dowladda KMG ah iyo dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Madaafiic Xalay lagu Weerarya Xarynta Madaxtooyada Soomaaliya iyo Al-shabaab oo mas'uuliyadda Weerarkaas