3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Kooxda Waayaha Cusub oo xaflad ku qabtay Easleigh (DAAWO SAWIRRO)
Jimco, May 04, 2012 (HOL) - Xaflad ay soo qaban qaabisay kooxda waayaha cusub oo ay kasoo qeyb galeen boqolaal dad ah oo reer Eastleigh ah, isla markaana loogu magac darey (Nabadi waa nolole, Dhalinyarooy Nageeh) taasoo lagu wacyi galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xaafada Easliegh ee magaalada Nairobi

Barnaamijkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Nairobi gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa ugu horeyntii goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo isla markaana daahfurey barnaamijka kana sheegey in ay munaasabadan tahay mid loogu gogol xaarayo xaflad balaaran oo lagu qaban doono magaalada Nairobi bisha May 15, 2012.

Kooxda Waayaha Cusub ayaa sidoo kale soo bandhigey qalab casri ah oo dhawaan loogu deeqey kooxda.

Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah Speakero, Amps, Qalabka live musica lagu garaaco iyo waliba Jenereetar weyn oo xalay loo shidey goobta ay xaflada ka dhacaysey, kadib markii ay korontada ka tagtey xaafada Eastleigh.

Kooxda Waayaha cusub ayaa soo bandhig barnaamij faneed oo heesahana si toos ah (live) u garaacanaysay. Dadweynihii kasoo qeyb galay si diirran u daawanayay iyadoo mararka qaarna ay ka qayb qaadanayeen qoob ka ciyaarka.

Dhanka kale kooxda Waayaha Cusub ayaa xafladaasi waxay kusoo dhaweeyeen Hal-Abuurka Soomaaliyeed ee reer Minnesota Saalax Doonyaale oo goobtaasi tix gabay ah oo dhalinyarada ka wacyi galineysa is qarxinta ka tiriyey. Sidoo kale Doonyaale ayaa u mahad celiyey sida balaadhan ay kooxda Waayaha Cusub ugu soo dhaweeyeen magaalada Nairobi taniyo goortuu yimid gaar ahaan hoobalka codka halaasiga ah leh, horyaalka raabkana qaadey alfanaan Digriyow iyo marwadiisa Nafiso, sidoo kale hogaamiyaha kooxda Shiine Akhyaar oo si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Nairobi.

Waxaa goobtaasi isna wacdaro ka dhigey fanaanka Lixle, xidigta fanka Soomaaliyeed Falis, iyo waliba Burhaan, Axmed iyo Raguu.

IMG_1330

IMG_1334

IMG_1351

IMG_1343

IMG_1368

IMG_1373

IMG_1335

IMG_1407

IMG_1356

IMG_1379

IMG_1361

IMG_1354

IMG_1444

IMG_1457

IMG_1366

IMG_1387

IMG_1399

IMG_1427

IMG_1409

IMG_1411

IMG_1459

IMG_1430

IMG_1428

IMG_1412

IMG_1414

IMG_1447

IMG_1390

IMG_1410

IMG_1375

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
5/4/2012 7:48 AM EST
Jimco, May 04, 2012 — COL Cabaas Ibraahim Gurey oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ee howlgalka ka wada gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan weerar ballaaran oo ay ku qaadaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

5/4/2012 7:47 AM EST
Jimco, May 04, 2012 — Maamulka xarakada Al-shabaab ee magaalada Bu'aale ee gobolka Jubada Dhexe ayaa gobolka ka eryay qaar katirsan odayaal dhaqameedyo caan ka ah gobollada Jubooyinka.

5/4/2012 7:44 AM EST
Jimco, May, 04, 2012 (HOL) -- Wararka laga hellayo degmada Maxaas ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaa isaga baxeen xoogagga Xarrrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo maalintii shalay gudaha u galay degmada.

5/4/2012 7:32 AM EST
Jimco, May 04, 2012 — Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdishoka duulay wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku sii jeeda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

5/4/2012 6:47 AM EST
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo maantay soo bandhigtay warbixinteeda sannadlaha ah ayaa sheegtay in tacadiyo xoog leh ay ciidamada Kenya u gaystaan dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ah.

5/4/2012 4:30 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Shirka lagu soo xulayo guddiga ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah uu ka furmo magaalaad Muqdisho, sida madaxweyne Sheekh Shariif u sheegay warbaahinta.

5/4/2012 4:20 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo wareysi siiyay idaacadda Andulus oo ku hadasha codka Al-shabaab ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay fashiliyaan shir lagu doonayay in dhibaatooyin looga abuuro gobollada dhexe oo muddo sannad ah lasoo qorsheynayay.

5/4/2012 4:09 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariikh Sheekh Axmed oo shalay booqday xarunta gaadiidka booliiska oo lagu wado inuu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dastuurka laga soo horjeesto, laakiin ay ogol yihiin in qodobbadiisa laga doodo.

5/4/2012 3:52 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Dawladda hoose ee magaaladda Hargeysa, ayaa tan iyo sidii roobabkii u xidheen biyo mareenaddii ku mashquulsan sidii ay u furi lahaayeen biyo mareenadda ay camuudda iyo khashinku awday.

5/4/2012 3:48 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku toogtay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud laba qof oo ka mid ahaa kuwii loosoo qabtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Talaadiid lasoo dhaafay ka dhacay xarunta gobolka Galguduud.

5/4/2012 3:35 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki ayaa weydiistay beesha caalamka shalay oo Khamiis ahayd in gacan laga siiyo dowladdiisa sidii dib loogu celin lahaa qoxootiga Soomaalida gudaha dalkooda, gaar ahana goobihii laga saaray Al-shabaab.

5/4/2012 3:09 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday guri ay deggenaayeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku yaalla degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Xamarjadiid.

5/4/2012 2:56 AM EST
Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Markii afaraad sannadkan oo keliya ayaa waxaa lagu weeraray xalay madaxtooyada Soomaaliya madaafiic culus, kuwaasoo qaarkood ku dhacay gudaha xarunta madaxtooyada, halka kuwo kalena ay ku dhaceen goobaha ku dhow.