4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Shirka xulidda guddiga Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo lagu wado inuu berri si rasmi ah uga furmo Magaalada Muqisho

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Shirka lagu soo xulayo guddiga ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah uu ka furmo magaalaad Muqdisho, sida madaxweyne Sheekh Shariif u sheegay warbaahinta.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid qayb ka ah dadaallada ay dowladda KMG ah ugu jirto sidii looga bixi lahaa xilliga KMG ah, howlaha harsanna loogu dhameystiri lahaa muddada yar ee u harsan dowladda hadda shaqeynaysa.

"Waxaan ku rajo-weynnahay in shirku uu furmo maalinta Sabtid ah, waxaa dhici karta inuu dib u dhaco illaa maalinta Axadda ah, balse rajadeennu waa inuu furmo berri," ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in la diyaariyay goobihii ay uu shirku ka dhici lahaa oo kala ah sida uu sheegay xarunta gaadiidka booliiska iyo iskool bulusiyo, wuxuuna xusay in si aad ah loo adkeyn doono ammaanka goobahaas iyo magaalada oo dhan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay waxay gobollada dalka ka keenaysay odayaashii shirkan ka qaybgeli lahaa, iyadoo intooda badan keentay, waxaana ka go'an dowladda inay dhameystirto howlaha u harsan illaa laga gaarayo bisha Ogoosto ee sannadkan oo xilligeedu ku eg-yahay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in isla goobahan lagu qbaan doono kulanka lagu soo xulay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka si la isugu diyaariyo in la doorto madaxda dowladda marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya