4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2012
Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca oo toogasho ku dilay laba qof oo loo qabtay Qaraxii ka dhacay Degmada Dhuuso-Mareeb

Jimco, May 04, 2012 (HOL) — Xoogagga Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku toogtay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud laba qof oo ka mid ahaa kuwii loosoo qabtay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Talaadiid lasoo dhaafay ka dhacay xarunta gobolka Galguduud.

Weerarkan ismiidaaminta ahaa ayaa waxaa ku dhintay laba xildhibaan oo ka mid ahaa mudanayaal iyo siyaasiyiin degmadaas u joogay wada-xaajood ku saleysan sidii gobollada dhexe looga sameyn lahaa maamul lagu mideysan yahay, sidoo kale laba mudane iyo siyaasiga Axmed C/Salaan ayaa iyaguna ku dhaawacmay.

Labada qof ee la toogtay ayaa la sheegay in lagala baxay xasbiga degmadaas sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, waxaana dilka labadan qof xaqiijiya Sheekh Maxamed Yusuuf Xeefoow oo ah guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna.

"Dilkaas waa jiraa, balse ma ahayn laba qof oo lagu xukumay inay dambigaas lug ku lahaayeen, kuwii geystayna waa lala xisaabtamayaa," ayuu yiri Sheekh Xeefow oo sheegay inay dad badan u xirxiran yihiin weerarkaas.

Mar la weydiiyay in magaca qofkii ay sheegeen inuu weerarkaas geystay uu nool yahay Muqdishana uu ku sugan yahay, isagoo sheegay in Ahlusunna ay ku been-abuuratay ayuu sheegay in qofka weerarka geystay uu ahaa ina Cartan, balse ay dhici karto in magacyada la isku qalday.

"Innaga magaca waxaa noo sheegay dad ogaa markii uu soo baxayay, waxaase dhici karta inaan qaladnay magaca... waxaana socda baaris ku aaddan sidii lagu soo heli lahaa magaca qofka qaraxa sameeyay oo sax ah," ayuu mar kale yiri Xeefow.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Degmada Dhuusomareeb ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab, inkastoo aysan shaacin magaca ruuxii weerarkaas fuliyay oo ay sheegeen inuu xoogaggooda ka tirsanaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya