3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka go'an tahay qabsashada Kismaayo iyo Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay difaacanayso

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in ajadanaha ciidamadooda ku sugan Soomaaliya oo hadda ka mid ah AMISOM uu yahay sidii ay Al-shabaab uga qabsan lahaayeen degmada Kismaayo inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.

Jen. Karangi ayaa sheegay in ciidamadoodu ay horay u qabsadeen degaanno badan oo ku dhow magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna hadalkiisa ku daray in hadda ay diiradda saarayaan sidii ay degmadaas si buuxda ugu qabsan lahaayeen.

"Qorshaheenna waa mid ku wajahan Kismaayo, waxaana rajeynaynaa in dhawaan ay noqoto goob ay ay ciidamadeenu gacanta ku hayaan. Waana ajandaha ugu horreeya ee AMISOM," ayuu yiri Jen. Karangi kaddib kulan uu la yeeshay wafdi ka socday dalka Mareykanka.

Taliyaha ciidamada Kenya wuxuu sheegay in ciidamadooda ay masaafo 7-km ah ay u jiraan Kismaayo marka laga eego dhinaca badweynta Hindiya. "Waxaan qabsan doonnaa Kismaayo inta aan la gaarin Ogoosto oo xilliga DKMG ah uu ku egyahay," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Xarakada Al-shabaab ay shalay kusoo bandhigeen magaalada Kismaayo hub iyo ciidamo fara badan, kuwaasoo ay ku sheegeen inay difaaci doonaan magaaladaas iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo dhoolla-tuska kaddib hadlay ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay difaacdaan Kismaayo illaa midkooda ugu dambeeya ay naftu ka baxayso.

Magaalada Kismaayo oo lagu tilmaamo goobta ay dhaqaalaha ugu badan ka hesho Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay gaarayay ciidammo ka baxay Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo sidoo kalena ay maraakiibta Kenya duqeyn ku hayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/31/2012 11:45 AM EST
Anagoo ah ka soo qayb galayaasha Shirka Istanbuul ee Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed oo ka kooban odayaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahannada, Ururrada Siyaasadeed ee abuubulan, Ururrada haweenka, dhalinyarada, ganacsatada iyo qurba-joogta....

5/31/2012 8:28 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo booqasho laba maalmood ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa kala hadlay arrimaha Soomaaliya madaxweynaha Eritrea, Issias Efwerki, iyagoo isku raacay in gacanta laga geysto xalislinta Soomaaliya.

5/31/2012 8:01 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay si buuxda ula wareegeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

5/31/2012 7:58 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa dhintay saddex oo uu ku jiray cunug yarna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax xalay fiidkii ka dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer oo ka mid ah degmooyinka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

5/31/2012 6:56 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam cabdi Aadan, ayaa ka qaybgashay xaflad shahaadooyin lagu siinayey sodan hablood oo tobabar macalinimo ah ku qaadanayey dugsiga SOS ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil.

5/31/2012 6:50 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, kadib dagaal culus oo oo iyaga iyo Ciidamada huwanta ha ku dhexmaray duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

5/31/2012 6:42 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan madaxda ka socda in ka badan 54-dalka iyo madaxd DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ka furmay maanta oo Khamiis ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

5/31/2012 12:52 AM EST
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dalka, shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaaliya iyo soo afjaridda Xilliga KMG ah.