4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Shir looga hadlayo Mustaqbalka Dalka Soomaaliya oo ka furmay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan madaxda ka socda in ka badan 54-dalka iyo madaxd DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ka furmay maanta oo Khamiis ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxda dalalka calaamka ka socda ayaa ka sheegay shirka in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u heshiisiin caalami ah si dib loogu soo celiyo ammaankii iyo daganaashihii ka jiray muddo 20-sano ka badan.

"Kaddib muddo dheer oo deggenaasho la'aan iyo colaado ah, waxaan doonaynaa inaan hadda hormuud u noqonno fursad lagu helo nabad iyo ammaan ka hirgala Soomaaliya," ayuu yiri ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdag oo ka hadlayay furitaanka shirkan oo ay dowladda Turkigu martigelintiisa leedahay.

Mr. Bozdag wuxuu sheegay in Muqdisho laga saaray xoogaggii Islaamiyiinta ahaa ee kasoo horjeeday dowladda KMG ah, ayna dib u furmeen ganacsiga looguna yeerayo caalamka inuu dib u dhiso.

Shirkan oo laba casho soconaya ayaa wuxuu daba-socdaa shirkii magaalada London lagu qaabtay bishii Feberaayo ee sannadkan, iyadoo ay ka qaybgalayaan odayaal-dhaqan, aqoonyahanno iyo ganacsato, waxaana looga hadlayaa sidii dib dhis loogu sameyn lahaa Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iskuullo, isbitaallo, koronto, biyo iyo weliba jidadka loo la dhiso.

Maalinta jimcaha ah ayaa lagu wadaa in shirka looga hadlo arrimaha siyaasadda iyo gargaarka bani'aadamnimo, iyadoo ay shirkan goobjoog ka yihiin madax ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, madaxweynaha dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska, William Hague.

"Mustaqbalka Soomaaliya, wuxuu ku jiraa gacmaha Soomaalida," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo shirka ka hadlay, isagoo intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay horumar, wuxuuna beesha caalamka ku boorriyay inay ka dhabeeyaan caawinta Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee shirkan laga leeyahay ay tahay in la sameeyo qaab lagu doonayo in mustaqablka Soomaaliya wax looga qabto illaa sannadka 2015-ka.

Madaxda Soomaalida ee shirkan ka qaybgalaya ayaa waxaa la hordhigi doonaa qodobbadii kasoo baxay shirkii ay odayaasha-dhaqanka iyo bulshada rayidku ku yeesheen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kasoo xalay lasoo gabgabeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya