3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo la Wareegay gacan ku haynta Degmada Afmadow

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ay si buuxda ula wareegeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

La wareegidda ciidamada huwanta ah ee magaalada Afmadow ayaa ka danbeeysay dagaallo xooggan oo ilaa saaka ka socday duleedka degmada Afmadow, waxayna arintaasi keentay in xoogagga Al-shabaab ay gabi ahaanba isaga baxaan magaalada Afmadow.

Goobjooge ku sugan Afmadow ayaa HOL u sheegay in ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo aad u qalabeysan ay gudaha usoo galeen magaalada, waxayna ciidamadaasi fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada.

Degmada Afmadow oo qiyaastii 100KM u jirta magaalada Kismaayo ayaa mudo sanado ah waxa gacanta ku hayay xoogagga Al-shabaab, waxaana magaaladani ay tahay magaalo istaraatiji ah islamarkaasina muhiim u ah isu socodka gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Xaaladda degmada Afmadow ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoonta inta badan dadkii daganaa ay isaga barakaceen kadib markii ay saaka dagaallo iyo duqeymo xooggan ka bilowdeen gudaha iyo daafaha magaalada.

Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo aan xiriirro la sameynay ayay inoo suurogeli weysay in aan ka helno wax faahfaahin ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalyahannada Al-shabaab ay u jiheysteen wado aada dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya













Click here
5/31/2012 11:45 AM EST
Anagoo ah ka soo qayb galayaasha Shirka Istanbuul ee Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed oo ka kooban odayaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahannada, Ururrada Siyaasadeed ee abuubulan, Ururrada haweenka, dhalinyarada, ganacsatada iyo qurba-joogta....

5/31/2012 9:11 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Kenya, Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in ajadanaha ciidamadooda ku sugan Soomaaliya oo hadda ka mid ah AMISOM uu yahay sidii ay Al-shabaab uga qabsan lahaayeen degmada Kismaayo inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.

5/31/2012 8:28 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo booqasho laba maalmood ah ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa kala hadlay arrimaha Soomaaliya madaxweynaha Eritrea, Issias Efwerki, iyagoo isku raacay in gacanta laga geysto xalislinta Soomaaliya.

5/31/2012 7:58 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa dhintay saddex oo uu ku jiray cunug yarna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax xalay fiidkii ka dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer oo ka mid ah degmooyinka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

5/31/2012 6:56 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wasiirka waxbarashada Somaliland Marwo Samsam cabdi Aadan, ayaa ka qaybgashay xaflad shahaadooyin lagu siinayey sodan hablood oo tobabar macalinimo ah ku qaadanayey dugsiga SOS ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil.

5/31/2012 6:50 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, kadib dagaal culus oo oo iyaga iyo Ciidamada huwanta ha ku dhexmaray duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

5/31/2012 6:42 AM EST
Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Shir looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan madaxda ka socda in ka badan 54-dalka iyo madaxd DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ka furmay maanta oo Khamiis ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

5/31/2012 12:52 AM EST
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa Ra'iisul Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dalka, shirka Istanbul ee arrimaha Soomaaaliya iyo soo afjaridda Xilliga KMG ah.