3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Booliiska Degmada Xamar-weyne oo gudaha degmadaas ku tpogtay nin Hubeysan oo xirnaa Tuutaha Ciidamada Milatiga Soomaaliya

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa maanta ku toogtay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir nin hubeysan oo xirnaa surweelka ciidamada milateriga Soomaaliya iyo shaar caadi ah, kaasoo lagu eedeeyay inuu falal ammaan-darro ku howlanaa.

Sarkaal booliiska ka tirsan ayaa sheegay in dilka askarigan uu yimid kaddib markii uu isku dayay inuu la dagaalamo ciidammo booliis ka tirsan oo amar ku siiyay in qoriga uu dhigo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askari qori culus watay uu dilay ruuxa hubeysan oo watay surweel ciidan iyo shaati shacab, iyadoo maydka ruuxaas uu muddo yaallay halkii lagu toogtay.

"Dilkan saameyn ayuu ku yeeshay ganacsiga, inkastoo markii dambe ay xalaaddu si caadi ah kusoo laabatay," ayuu yiri ganacdsade dukaan ku leh suuqa Xamar-Weyne oo la hadlay saxaafadda.

Toogashadan ayaa waxay imaanaysaa xilli uu dhawaan ka sheegay warbaahinta taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini in la toogan doono askarigii lagu arko inuu dhac geysanayo ama gacmaha kula jira falal ammaan wax u dhimaya.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay ka cabanayeen toddobadyadii ugu dambeeyay dhibaatooyin ay u geysanayaan kooxo ku labisan dharka ciidamada dowladda, iyadoo dowladdu ay dhowr jeer oo hore uga digtay askarta inay dadka dhibaateeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/19/2012 6:26 PM EST
Axad, May 20, 2012(HOL): Kooxda Chelsea ayaa noqotaykooxdii 5aad oo Ingiriis ah oo ku guuleysata Koobka Horyaalnimada Yurub, kaddibmarkii ay ciyaartii kama dambeysta ahayd kaga adkaatay Kooxda Byer Munich oo ay ku kala baxeen gool-ku-laad 4—3.

5/19/2012 12:18 PM EST
Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa ugu deeqday gaariga curyaaminta nin curyaan ah oo kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku tabaalaysan dalka Kenya.

5/19/2012 9:41 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba haween ah ayaya kooxo hubeysani ku dileen xeryaha qoxootiga IFO iyo Dhagaxley ee dalka Kenya 24-kii saac ee ugu dambeeyay, iyadoo sidoo kale ay dableydu mid ka mid ah gacmihiisa ka jareen nin ay afduub ku kaxeysteen.

5/19/2012 8:55 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Addis Ababa ka furmo shir looga hadlayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay Puntland ka cabatay iyadoo shirkaas ay ka qaybgeli doonaan dhammaan saxiixayaashii heshiiska tubta nabadda (Roadmap).

5/19/2012 8:39 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa iyo mas'uuliyiinta maamulka degmada ayaa maanta xariga ka jiray dhismo cusub oo ay ku sii shaqeyn doonaan mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne.

5/19/2012 8:07 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi kula kulmay madaxweyaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ka dalbaday in dalkiisu uu ciidammo dheeraad ah ku xoojiyo kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

5/19/2012 7:47 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Siminaar ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD halku dhiggiisuna ahaa "Wada-shaqeynta odayaasha dhaqanka waxay horseedi kartaa nabadda iyo amniga Soomaaliya oo fiicnaada" ayaa maanta loogu qabtay Muqdisho odayaasha-dhaqanka Soomaaliyeed.

5/19/2012 7:24 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ciidamada Dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya iyo Xoogagga Al-shabaab ayuu saaka aroortii dagaal xooggan ku dhexmaray duleedka deegaanka Taabto ee gobolka Jubada Hoose.

5/19/2012 7:22 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo midi uu ahaa askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay, lix kalena way ku dhaawacmeen laba bambo oo saakay lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo howl-gallo lagu burburinayo dhismayaal sharci-darro ah ka waday suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

5/19/2012 4:27 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Shirkadda Horn Petroleum Corp ayaa sheegtay inay joojisay ceelkii shidaalka ee ay ka qodaysay dooxada Darroor ee Puntland, kaddib markii ay sheegtay inaysan u muuqan in halkaas uu shidaal ka imaan karo.

5/19/2012 4:05 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Madaxa shirkadda SKA ee maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Anthony Randerson ayaa xaqiijiyay in ruux shaqaalahooda ka mid ah uu la goostay lacago fara badan oo ay shirkaddu lahayd.

5/19/2012 3:36 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Munaasabad ay ku qalin-jabinayeen dufcadii labaad oo wax-ka-bartay kuliyada caafimaadka ee jamaacadda Koonfurta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu qabtay magaaladaas, waxaana ardaydan ay muddo laba sano ah baranayeen cilmiga caafimaadka.

5/19/2012 3:01 AM EST
Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxay mar kale fariisan waday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo maamulka garoonka uu sheegay in sababaha ay u fariisan waday aysan ahayn khilaaf u dhexeeya shirkadda iyo maamulka garoonka diyaaradaha.