4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo weydiistay dhiggiisa Burundi in Ciidammo Dheeraad ah uu ku xoojiyo Howlgalka AMISOM

Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Bujumbura ee xarunta dalka Burundi kula kulmay madaxweyaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa ka dalbaday in dalkiisu uu ciidammo dheeraad ah ku xoojiyo kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Kulanka labada madaxweyne oo ka dhacay meel ka baxsan magaalada ayaa wuxuu qaatay muddo saacado ah, iyadoo madaxweynaha Burundi uu ballanqaaday inuu ku xoojin doono ciidammo kale oo dheeraad ah kuwa kaga sugan Soomaailya.

Dalka Burundi ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidamada ka joogaa Soomaaliya waxaa ay qayb ka qaateen dagaalladii degmooyin Muqdisho ka tirsan looga saaray Al-shabaab oo muddo sanado ah ka talinaysay.

"Waxaan naga go'an inaan qayb ka qaadanno howsha lagu doonayo in Soomaaliya nabad looga dhigo," ayuu yiri madaxweynaha Burundi oo sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inuu caawiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka kaddib wuxuu dhagax-dhigay iskuul loogu talogalay inay caruurta dalkaas wax ka bartaan, iyadoo madaxweynuhu uu gacan-qaaday kumannaan shacabka ah oo soo dhaweeyay.

Booqashada dalka Burundi ka hor madaxweynaha Soomaaliya wuxuu socdaal kale ku maray dalka Uganda oo ay isaguna ka joogaan Soomaaliya ciidammo badan, isagoo ka dalbaday madaxweyaha dalkaas inuu xoojiyo taageerada ciidan ee dalkiisu uu ku taageeray Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu tagay magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasoo uu kaga qaybgalay shir looga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya, wuxuuna kulankaas ka jeediyay howlihii dowladda u qabsoomay iyo kuwii aan u qabsoomin.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabgabeeyo safarka uu ku joogo dalka Burundi, iyadoo lagu wado inuu tago dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo shir ay halkaas ku yeelanayaan Isniinta saxiixayaashii Roadmap-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya