4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2012
Odayaasha Dhaqanka oo kulan ku saabsan sidii ay u Wada-shaqeyn lahaayeen loogu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Sabti, May 19, 2012 (HOL) — Siminaar ay soo qabanqaabisay Hay'adda CCD halku dhiggiisuna ahaa "Wada-shaqeynta odayaasha dhaqanka waxay horseedi kartaa nabadda iyo amniga Soomaaliya oo fiicnaada" ayaa maanta loogu qabtay Muqdisho odayaasha-dhaqanka Soomaaliyeed.

Odayaasha siminnaarka loo qabtay oo tiradoodu ahayd 150, kuwaasoo jawaabo ka bixiyay su'aalo la hor dhigay, iyadoo xubnaha kasoo qayb-galay siminnaarka ay ka mid ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf, Shariif Xuseen Jilacow, Sheekh Axmed Abuukar Gaabow iyo xubno kale oo fara badan.

Imaam Maxamed Yuusuf oo khudbadda furitaanka siminnaarka jeediyay ayaa soo hadal-qaaday in odayaashu yihiin kuwo maanta dadka iyo dalka samata-bixin kara, wuxuuna sheegay in haddii la kordhiyo kulammada odayaasha dhaqanka ay ku guuleysan karaan sidii dalka looga saari lahaa dhibaada uu ku jiro.

"Masiirka dalka mar haddii gacanta odayaasha-dhaqanka dib loogu soo celiyo, aniga waxaan qabaa Soomaaliya way hagaageysaa," ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf oo dhinaca kale sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin inay bulshadooda ka dul-qaadaan dhibaatada muddada haysatay.


Nabaddoon Xuseen Jilacoow oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa xusay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku-xiran, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lagu ixtiraamo duubabkooda, taasoo uu sheegay inay tahay waajibka saaran bulshada Soomaaliyeed, isla markaana odayaasha dhaqankana dhinacooda uu ku kalsoon yahay inay dhibaatada la qeybsadaan ayna dadaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa midnimo Soomaaliyeed.

"Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waas kuwo arkaya in caalamku uu doonayo in Soomaaliya wax laga qabto, waxaana aamisanahay inay soo xuli doonaan xubno baarlamaan oo leh karti, dulqaad, wadaniyad iyo aqoon ay dalkooda uga bixiyaan dhibaatada uu maanta ku jiro," ayuu yiri Shariif Jilacow.

Sidoo kale, waxaa siminnaarka ka hadlya Nabaddoon Qaalid Cabdi Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in odayaasha-dhaqanka ay diyaar u yihiin inay mugdiga ka saaraan shacabka ay wakiilka ka yihiin, wuxuuna xusay in odayaasha-dhaqanka ay diyaar u yihiin inay caasimadda dalka ee Muqdisho kusoo dhaweeyaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan kuwa qaba inaysan nabad ahayn.


Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadlay nabaddoon, Cabdullaahi Sayid Cali iyo Sheekh Maxamed Maxamuud Jilacoow oo sheegay in odayaashu ay ku howlan yihiin sidii ay u kala furfuri lahaayeen Al-shabaab, ayna aaminsa yihiin inay odayaashu ku guuleysan doonaan dadaallada ay wadaan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya