9/23/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dastuurka loo ansixinayo qaab KMG ah inta afti guud looga qaadayo

Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dastuurka loo ansixin doono qaab KMG ah inta afti dadweyne looga qaadayo, isagoo intaas ku daray in dhawaan loo gudbin doono dastuurka guddigii loogu talogalay inay ansixiyaan.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay dalka oo dhan ka saarto xoogagga hubeysan ee Al-shabaab ka hor inta ka horreysa bisha Ogoosto ee sannadkan oo xilliga DKMG ah uu ku eg-yahay.

"Ergooyinka 825-ta xubnood ah ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka waxay si KMG ah u ansixin doonaan dastuurka, kaddib wuxuu mari doonaa afti dadweyne xilligaas oo la oran karo waa dastuur ay ummaddu isku raacday," ayuu yiri C/weli Gaas.

Ra'iisul wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay xurriyatul-qowlka oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu halkaas ka sheegay in dowladdiisu aysan ogolaanayn in dhibaatooyin loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.

"Dowladda waxaa u qorsheysan inay dalka oo dhan ka saarto Al-shabaab inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sanadkan," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo rajo weyn ka muujiyay in dowladda oo isku baahisay gobollada dalka uu dhammaado xilligeeda shaqo.

Hadalka rar'iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku aaddan dastuurka ansixintiisa ayaa wuxu kusoo beegmayaa iyadoo ay jiraan cabashooyin laga qabo dastuurka, kuwaas oo ay ka mid tahay cabashada kasoo yeertay Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/18/2012 11:45 AM EST
Ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden ee sagaashameeyadii (90s) dowrka weyn ka ciyaaray soo dhaweyntii qaxootiga Soomaalida ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sweden, Honorable Carl Bildt, ayaa Hay’ada lagumagacaabo CANADIAN EYE ON AFRICA

5/18/2012 8:04 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL)- sanad guuradii 21aad ee ka soo wareegtay markii somaliland ka go’day soomaaliya inteedda kale 18 May 1991kii, ayaa maanta si weyn looga dabaal degay magaalooyinka waaweyn ee somaliland.

5/18/2012 7:55 AM EST
Jimco, May 18, 2012(HOL): Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

5/18/2012 5:00 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Maxkamadda Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay inay maxkamadeynayso 11-qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.

5/18/2012 4:44 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Gudoomiyaha Xisbiga DADKA Saciid Ciise Maxamuud oo ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa ku dhawaaqay inuu ka mid yahay musharaxinta u taagan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qorsheysan haddii uu doorashadaas ku guuleysto iyo xaaladaha kale ee ka taagan dalka sida dastuurka.

5/18/2012 4:25 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkeynayaan ammaanka guud ee degmada Baydhabo.

5/18/2012 4:18 AM EST
Jimco, May 18, 2012 (HOL) — Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Dharkeenley, iyadoo dagaalka ahaa mid laga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho la iskuna adeegsaday hub kala duwan.