4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 16, 2012
Dhaq-Dhaqaaqyo iyo xiisado dagaal oo maanta ka taagan tuulada Xayo ee duleedka degmada Afmadow

Arbaco, May 16, 2012 (HOL) — Dhaq-dhaqaaqyadaan iyo xiisadahana dagaal ayaa yimid kadib markii Ciidamada huwanta ah ee dowladda KMG, Raaskaambooni iyo Kenyan ay saaka ka soo dhaqaaqeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Xayo oo qiyaastii 20km dhanka galbeed kaga beegan degmada Afmadow ayaa waxa gacanta ku hayo xoogagga Al-shabaab, waxaana mudooyinkii u danbeeyay duleedka deegaankaasi ka dhacayay dagaallo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah.

Xaalada deegaanka Xayo ayaa maanta aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi ka qarxo dagaal sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanka.

Warar hoose oo ay HOL ka heshay gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ciidamada Dowladda iyo kuwa ururka Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ay qorsheynayaan in ay gacanta ku dhigaan degmada Afmadow oo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Dhanka kale Masuuliyiinta dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen sargaal katirsan Al-shabaab, kaasoo ay sheegeen in ku qabteen dagaal xooggan oo shalay ka dhacay duleedka deegaanka Qooqaani.

Sarkaal katirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ninka la qabtay lagu magacaabo Abshir C/laahi islamarkaasina uu ahaa Sargaal Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka dacwada ee gobolka jubada Hoose.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan sargaalka ay ciidamada huwanta ah sheegeen in ay ku qabteen dagaal shalay ka dhacay duleedka deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya