3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Kulan Waxbarasho loogu raadinayo Gabdhaha ku dhaqan Dhulka miyiga ah ee Gobolka Waqooyiga Kenya oo Minnesota lagu qabtay


Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Kulankan oo ahaa mid dhaqaale waxbarasho dibadeed loogu raadinayay gabadhaha da’yarta ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya gaar ahaanna kuwa ku nool deegaannada miyiga ah ee ka baxsan magaalooyinka oo aan inta badan helin fursadaha waxbarasho ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan oo ka kala socday qeybaha bulshada, sida siyaasiinta ka tirsan goleyaasha siyaasadda ee dalka Mareykanka oo uu ka mid yahay Keith Elison, culumo, ganacsato, aqoonyahano iyo waliba siyaasiin ka socotay dalka Kenya oo maalmihii ugu dambeyey ku sugnaa Mareykanka.

Amina Maxamed oo ka tirsan hay’ada waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNESCO, isla markaasna iyadu aasaastay urur waxbarasho oo ka jira waqooyiga Kenya oo lagu magacaabo "NOKET" oo ka mid ahayd dadkii ka hadlay kulankan ayaa sheegtay in tan iyo markii ururkeeda la aasaasay ay fursado waxbarasho siiyeen gabdho da’yar oo Soomaaliyeed oo ku nool gobolka waqooyi-bari Kenya kuwaasoo aan horeyn u helin fursado waxbarasho.

"Waxaan waxbarnaa caruur da’da yar aan haysan awood ay wax ku bartaan gaar ahaan waxbarashada sare ee dalka, waxaa jira gabdho badan oo sida aad halkaan ka arkaysaan wax bartay kadib markii ay ka faa’ideysteen fursadaha ururkeena," ayay tiri Aamina Maxamed oo intaasi raacisay; "Hadii aad waxbarto gabar, waxaad waxbartay qoyska oo dhan, maxaa yeelay gabadhu waa aas-aaska uu qoysku ka bilowdo."

Safiirka Kenya u fadhiya dalka Mareykanka oo isuguna kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in dalkiisu kaalin fiican ka gaaray dhinaca waxbarashada, gaar ahaan dhiiraglinta dhinaca waxbarashada gabdhaha, isagoo tallaabo horumarineed ku tilmaamay dadaalkaan deeqda waxbarasho loogu raadinayo gabdhaha ku dhaqan waqooyiga Kenya.

Sidoo kale dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Keith Alison oo ka mid ah aqalka wakiilada Mareykanka, isagoo sharaxay muhiimada waxbarashada iyo sida loogu baahan yahay in ay dadku waxqabsadaan.


"Kenya iyo Minnesota waxaa ka dhexeeya xiriir adag oo xoogan, waana kaasi midka caawa halkaan nagu kulmiyey, waxaana taasi daliil u ah wixii aan ku soo arkay markii aan tagay wadamada Afrika gaar ahaan Kenya..inkastoo Kenya ay la hartamayso caqabado dhowr ah, hadana anigu waxaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in dumarka wax la baro si nolosha bulshada sare loogu qaado noloshada bulshada," ayuu yiri Keith Alison.

Dr: Siyaad Cabdullahi, oo ka mid ah ganacsada waaweyn ee Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan gobolkaan, oo isugu munaasibadaan soo abaabulay ayaa goobta ka sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qaybqaataan sare u qaadida waxbarashada wadankooda, gaar ahaanna in wax la baro jiilka soo koraya.

Dadkii kulankaan ka soo qaybgalay ayaa waxaa loo soo bandhigay muuqaal laga soo duubay gabdho da’yar oo wax lagu barayo deeganada iyo dhulka miyi’ga ah ee ku yaala Waqooyi- Galbeed ee Kenya, kuwaasi oo iyagu ka faa’ideystay fursadaha waxbarasho ee uu bixiyo ururkaan Noket.

Dadka horumarinta dhinaca waxbarashada ka shaqeeya ee wadanka Kenya ayaa ku doodaya in ay dalkaasi ka jiraan in ka badan 50 jaamacadood oo si gaar ah loo leeyahay, hase ahaatee jaamacadaasi howlahooda waxbarasho aysan dhaafsiisaneyn caasimadda iyo magaalooyinka waaweyn,, islamarkaasna dhowr arrimood oo ay taasi ka mid tahay ay sabab u noqdeen in ay dhalin badan oo ka mid ah jiilka haatan soo koraya ay waayaan waxbarashada dhexe iyo tan sare.









Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minnesota, Minnneapolis













Click here
5/14/2012 8:56 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay maanta inay dileen saraalkii hoggaaminayay ciidamada Burundi ee ka dagaalama degmada Dayniile, kaddib weerar gaadmo ah oo ay xoogaggoodu qaadeen habeennimadii Talaadadii lasoo dhaafay.

5/14/2012 8:28 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Munaasabad ay kasoo qayb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, ardeyda Jaamacada Hiiraan (Hiran University), waxgarad iyo aqoon-yahanno ayaa looga mahadceliyay Jaaliyadaha Hiiraan ee dalka dibadiisa labo Bas oo ay ugu deeqeen ardeyda Jaamacada.

5/14/2012 8:07 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Maerykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

5/14/2012 7:55 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ciidamada Al-shabaab uu hadda billaabay inuu kala shaqeeyo sidii ugu marqaati furi lahaa dadka taageeray iyo kuwa u dagaalamay Al-shabaab.

5/14/2012 7:30 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Munaasabadda lagu dhaarinayay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Beeraha, xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta ka dhacday guriga afhayeenka baarlamaanka Somaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

5/14/2012 7:29 AM EST
Isniin, May 14, 2012(HOL) -Waxaa magaalada Stockholm lagu qabtay kulan lagu falanqeynaayey qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya ah oo ay qabanqaabadiisa iska kaashadeen Ururka Baadigoobka Waddaniga Soomaaliyeed (UBWS) iyo Royal TV.

5/14/2012 7:09 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Ciidamada badda Turkiga ayaa qabtay 14-burcad-badeed Soomaaliyeed ah kaddib markii ay ku weerareen meel ku dhow xeebaha dalka Cummaan, waxayna howlgalkaas ku furteen kalluumeysato Yemeniyiin ah oo tiradoodu ahayd toddoba ruux.

5/14/2012 3:16 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada DKMG ah, kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

5/14/2012 3:08 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Xaaji Cali Shire ayaa kaga qaybgalay magaalada Wajaaale hirgalinta Qorshe cusub oo ku saabsan hirgaliyey laanta socdaalka ee xuduudda Wajaale, waxaana xariga ka jaray laantaas taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf.

5/14/2012 3:07 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweenay ayay kooxo bastoolado ku hubeysan ku dileen shalay gallinkii dambe degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay dowladda iyo ciidamada Itoobiya gacanta ku hayeen tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan.