4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Mareykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Maerykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhaci doona xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa looga hadli doonaa xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii u qabsoomayd dowladda KMG ah, waxaana Soomaaliya matalaya madaxweyne Sheekh Shariif.

Wadfiga Madaxweynaha ayaa gaaray Mareykanka kaddib markii ay xalay ka dhoofeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo madaxweynuhu intii uusan u dhoofin mareykanka muddo laba casho ah ku sugnaa dalka Uganda.

Sheekh Shariif ayaa kulammo la yeeshay intii uu Uganda ku sugnaa madaxewynaha dalkaas Yoweri Museveni oo ay ciidammo badan ka joogaan Soomaaliya iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo howlaha AMISOM.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, isagoo ku boorriyay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabadda, sidoo kalena wuxuu booqday ciidammo Soomaali ah oo tababar loogu soo gabgabeeyay duleedka Kampala.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii labaad oo uu halkaas ku tago tan iyo markii uu noqday Madaxweyanaha DKMG ah ee Soomaaliya sannadkii 2009.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya