4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Kooxo Bastoolado ku Hubeysan oo laba qof oo rayid ah ku toogtay degmada Baydhabo ee Gobolka Bay

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweenay ayay kooxo bastoolado ku hubeysan ku dileen shalay gallinkii dambe degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay dowladda iyo ciidamada Itoobiya gacanta ku hayeen tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay suuq ku yaalla bartamaha Baydhabo, waxaana kooxda dilka geystay u suuro-gashay inay goobta ka baxsadeen, iyadoo labadan qof ay tirada dadka sida toosha loogu toogtay Baydhabo ka dhigayaan illaa Feberaayo sagaal qof.

"Haweeneyda la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Nuurto waxayna ahayd haweeney ka ganacsatada Shaaha lamana oga sababta loo dilay," ayuu goobjooge Baydhabo ku sugan u sheegay HOL.

Ninka kale ee dhintay oo isaguna ahaa dillaal ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay rasaastii lagu dilayay haweeneyda, laakiinse uu u dhintay dhaawicii gaaray oo halis ahaa.

Saraakiisha dowladda KMG ah ee ku sugan Baydhabo ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falkan lagu dilay labada qof, waxaase ay horay ugu eedeeyeen falal noocan oo kale ah oo xoogagga Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli sheegan inay mas'uul ka tahay dilka labada qof loogu geystay Baydhabo, balse waxay saraakiishoodu horay u sheegeen inay howl-gallo ka wadaan gudaha Baydhabo.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa 22-kii bishii Feberaayo ee sannadkan la wareegay ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya kaddib markii ay isaga baxeen xoogagga Al-shabaab oo muddo saddex sano iyo maalmo ah ka talinayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya