4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Jaaliyadda Somaliland ee Malmö oo shahaaddo sare la guddoonsiiyay (SAWIRR)


Jimco, May 11, 2012(HOL): Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Malmö ee dalka Sweden ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado uu bixiyo aqalka Boqortooyada ee dalkan Sweden. Shahaadadan oo ah markii ugu horeysay ee Taariikhda dalkan Sweden ay ku guuleystaan dad Soomaali ah ayaa waxaa maanta (shalay) guddoonsiiyey Badhasaabka gobolka Skåne Mr: Göran Tunhammar iyadoo ay halkaas goob joog ka ahaayeen madaxada Gobolkan & Madaxda Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Malmö ee dalkan Sweden.

Badhasaabka gobolka ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay Jaaliyada Somaliland ee Malmö ay ku guuleystaan shahaadadaas isla markaana ay halkaa ku gaadheen dedaal aad u badan oo ay sameeyeen, Isagoo xusay in Jaaliyada Malmö ay yihiin dad qiimo weyn ku leh dalkan Sweden iyadoo ay taa marag u tahay inay ku guuleysteen shahaadada ugu sareysa ee laga bixiyo dalkan Sweden, Badhasaabka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Jaaliyada Malmö ay muujiyeen qiimaha ay leeyihiin iyadoo taasina keentay in Aqalka boqortooyadu uu siiyo muhiimad gaar ah isla markaana uu ku sharfay shahaadada ay maanta gudoomeen,


Waxaa isaguna goobtaa ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Malmö mudane Jaamac Cismaan Ismaaciil (Jaamac BBC) isagoo ugu horeyn u mahad naqay dadkii xafladdaa kasoo qeybgalay, Mudane Jaamac ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guusha ay gaadheen & inay ku guuleysteen shahaadada ugu sareysa dalkan Sweden. Isagoo intaa ku daray in arintani ay ku timi dedaal ay muujiyeen iyagoo isku duuban dhamaantood yar & weyn, Gudoomiyaha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dedaalka isla markana ay jiraan barnaamijyo badan oo ay ugu tallo galleen dadka degen magaalada Malmö oo iminka ka socda xarunta Jaaliyada. Ugu danbeyntii gudoomiyaha Jaamac BBC ayaa halkaa ku gudoomay shahaadadaa oo ah mid qiime weyn ku leh dalkan Sweden,

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Sekrateriga Jaaliyada Mudane Cabdixakiin Aadan Cali oo isaguna sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin shahaadadaa isagoo u mahad naqay dhamaan dhalinyarada Jaaliyada oo muujiyey dedaal kaasoo manta ay midhihiisii helleen, Gudida Jaaliyada Somaliland oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Jaamac Cismaan Ismaaciil & Kuxigeenkiisa Mudane Cabdixakiin Aadan Cali & Xisaabiyaha guud ee Jaaliyada Mudane Rashiid Caynaan ayaa hore u qaaday tallaabooyin aad u badan oo ah ku hormarinayaan Jaaliyada Malmö iyagoo ka sameeyey gudaha xarunta Jaaliyada barnaamijyo aad u badan oo loogu tallo gallay dhamaan qeybaha kalla duwan ee bulshada sida:- Dhalinyarada & Caruurta & Haweenka & welliba dadka waaweyn kuwaasoo halkaa uga socda si maalinle ah ama joogto ah,


Jaaliyadda Malmö oo u warrantay website-ka Oodweynenews uu maanta ku jooggo safar shaqo ayaa waxaa ku sugan macalimiin Swedish ah oo wax u dhiga ardayda Soomaalida ah ee ka tirsan jaaliyadan iyadoo xarunta Jaaliyada oo aad u ballaadhan ay ka socdaan hawlo kalla duwan, Maamulka Jaaliyada ayaa ku guuleystay inay u sameeyaan ardeyda macalimiin Swedish ah oo wax u dhiga iyadoo ay welliba Jaaliyada ka shaqeeyaan laba qof oo Swedish ah kuwaas oo kalla ah Nin lagu magacaabo Per Brinkemo oo isagu dhawaan kasoo noqday safar uu ku tagay dalka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa & Ruux dumar ah oo lagu magacaabo Margaretha Rolfson oo labadooduba ah shaqaale ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee Malmö.











Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
[email protected]