4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay baaris ku sameynayaan dilal loo geystay dad shacab ah

Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dad shacab ah oo lagu dilay deegaan ku dhow degmada Xudur.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inay maqleen in dilkaas ay geysteen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya, kaddib markii ay maalin ka hor weerarro ku qaadeen deegaan ay Al-shabaab saldhigyo ka sameysatay.

"Waan maqalnay in lix qof oo shacab ah lagu dilay deegaan dhawaan ay weerareen ciidamadeenna iyo kuwa Itoobiya, baaris ayaana ku haynaa," ayu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo wareysi siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inaysan ogeyn in ciidamadu ay dileen dadkaas iyo in kale, balse ay wadaan baaritaan ay arrintaas ku xaqiijinayaan markii ay soo gaba-gabeeyaanna ay soo gudbin doonaan natiijada.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanku wuxuu ka meermeeray inuu carrabka ku dhufto in dilkaas ay geysteen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya iyo in kale, isagoo sheegay in laga yaabo inay dilkaas geysteen xoogaggii Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in weerarkii lagu qaaday deegaanka ay dilalku ka dhaceen ay iyagu qaadeen, kaddib markii halkaas ay Al-shabaab ka sameysatay fariisimo ay ku cunno-qabteynayeen degmada Xudur.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya