4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Guddiga Xawaaladleyda Soomaalida ee Gobolka Minnosota oo ka Carooday Bankiga US Bank oo diiday inuu la shaqeeyo Xawaaladaha Soomaalida

Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddiga xawaaladleyda Soomaalida gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa aad uga carooday bankiga US Bank oo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu la shaqeeyo xawaaladleyda Soomaalida, kaddib wada-xaajood muddo socday oo bankigaas uu kula jiray guddiga xawaaladleyda Soomaalida.

C/raxmaan Maxamuud Muuse oo ka mid ah guddiga xawaaladleyda Soomaalida ee wadahadalka kula jiray US Bank oo u warrramayay VOA-da aya sheegay in bankigu uu shalay qoraal u soo gudbiyay, kaasoo uu ugu sheegay inuusan la shaqeyn karin xawaaladaha Soomaalida.

"Bankiga US Bank waxaan wadahadallo kula jirnay muddo dheer, balse nasiib-darro wuxuu shalay noosoo diray fariin uu noogu sheegayo inuusan nala shaqeyn karin," ayuu yiri C/raxmaan Muuse oo intaas ku daray inay maanta sameynayaan dibadbax ay ku muujinayaan sida ay go'aankaas uga xun yihiin.

Sidoo kale, mas'uulkan wuxuu sheegay in xawaaladaha Soomaalidu ay lacagaha ka diri jireen Siattle-Washington balse bankiyadii halkaas ku yaallay ay iyaguna sheegeen in wixii bishan ka dambeeya aysan doonayn inay lasii shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida.

"Waxaanu doonaynaa inaan maanta xirno dhammaan akoonnada aan ku leennahay bankiyada US Bank si aan uga jawaabno go'aankiisa isla markaana aan u saarno cadaadis dhanka dhaqaalaha ah," ayuu mar kale yiri C/raxmaan Muuse.

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan oo tan iyo billowgii sannadkan la'aa goob ay u mariyaan ehelladooda Soomaaliya ku nool biilashii ay ku nool lahaayeen, kaddib markii Franklin Bank uu xiray akoonkii ay xawaaladaha Soomaalidu lacagta marin jireen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya