3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Sheekh Axmed Dhicisoow oo sheegay inay dib u dhigeen Mudaaharaad ay doonayeen inay maanta ka dhigaan Muqdisho

Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culumada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay inay dib u dhigeen qabashada mudaaharaad ay ku wadeen inay maanta ka dhigaan Muqdisho, kasaoo ay uga soo horjeedaan dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Sheekh Dhicisow ayaan sheegin sababta ay dib ugu dhigeen mudaahraadkii ay horay u qorsheeyeen inay maanta qabtaan, wuxuuse sheegay inay qaban doonaan maalmo kale.

"Waxaa baaqday mudaaharaad aan maanta sameyn lahayn, kaasoo aan dastuurka cusub uga soo horjeednay, maalmaha soo socda ayaana qaban doonnaa," ayuu yiri Dhicisow oo aan sheegin maalin cayiman oo ay dibadbaxa qabayaan.

Hay'adaha culummada Soomaalida ayaa si aad ah uga soo horjeeday dastuurka la doonayo in la ansixiyo, iyagoo sheegay inay ku jiraan qodobbo ka horimaamaya diinta Islaamka.

Baajinta dibadbaxan ayaa wuxuu imaanayaan xilli ay dowladda KMG ah ka dhigtay in lagu qabto Muqdisho dibadbaxyo iyo shirar aan lagu wargelin wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka.

Warbixin ay horay u soo saartay wasaaradda ayay ku sheegtay in sababaha ay uga digayso qabashada shirarka iyo dibadbaxyada aan ruqsadda loo haysan ay tahay si loo adkeeyo ammaanka caasimadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/11/2012 1:59 PM EST
Jimco, May 11, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey, iyadoona kulanka looga hadlayay heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey Xuquuqul Insaanka.

5/11/2012 8:28 AM EST
Jimco, May 11, 2012(HOL): Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Malmö ee dalka Sweden ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado uu bixiyo aqalka Boqortooyada ee dalkan Sweden. Shahaadadan oo ah markii ugu horeysay ee Taariikhda dalkan Sweden ay ku guuleystaan dad Soomaali ah ayaa waxaa maanta (shalay) guddoonsiiyey Badhasaabka gobolka Skåne Mr: Göran Tunhammar iyadoo ay halkaas goob joog ka ahaayeen madaxada Gobolkan & Madaxda Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Malmö ee dalkan Sweden.

5/11/2012 4:27 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa dagaal kala hortagay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo saakay isku dayay inay fujiyaan goobo ganacsi oo laga dhistay hareeraha isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo taasi ay keentay in isgoyskaas uu xirmo.

5/11/2012 4:22 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladd KMG ah ku dhexmarya xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo guddoomiyaha degmada Huriwaa uu eedeyn u jeediyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

5/11/2012 4:05 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddiga xawaaladleyda Soomaalida gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa aad uga carooday bankiga US Bank oo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu la shaqeeyo xawaaladleyda Soomaalida, kaddib wada-xaajood muddo socday oo bankigaas uu kula jiray guddiga xawaaladleyda Soomaalida.

5/11/2012 3:52 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dad shacab ah oo lagu dilay deegaan ku dhow degmada Xudur.

5/11/2012 3:35 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay laba qof, kuwaasoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana kooxihii dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.