3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Qodobbadii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay shirkii Istanbuul II ee looga hadlayay Mustaqbalka Soomaaliya

Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Shirkii Isbtanbuul laba ee looga hadlayay sidii ay uga gudbi lahayd Soomaaliya xilliga KMG ah ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo muhiim ah oo tilmaamaya howlaha la doonayo in calaamku ka qabto Soomaaliya.

Haddaba qodobbadii ugu muhiimsanaa ee shirkaas kasoo baxay ayaa waxay kala ahaayeen sidan:

  1. -In la tixgeliyo madaxbanaanida, sharafta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
  2. -In nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya; iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin, nabadeyn iyo xiriir siyaasadeed si loo helo dowlad joogto ah oo Soomaaliya meteli karta.
  3. -In beesha caalamka ay rajo-wanaagsan u yeeshay waxqabadkii DKMG ah, sanadkii lasoo dhaafay oo marxaladdo adag lagu shaqeynayay isla markaana horumar laga sameeyey dhinacyada ammaanka, siyaasadda, bani'aadannimada iyo dib u heshiisiinta.
  4. -In mas'uuliyadda koowaad ay noqoto sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya iyadoo ay beesha caalamku taageerayso.
  5. -In la xasuusto shirkii London oo aad iyo aad muhiim u ahaa arrimmo badanna lagu gaaray.
  6. -In lasoo afjaro xiliga KMG ah 20-ka Ogoosto, 2012; sida ku cad heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo heshiisyadii Garoowe iyo Addis Ababa.
  7. -In beesha caalamku ay si deg-deg ah u fuliyaan dhammaan ballanqaadyadii ay horay u ballan-qaadeen si loo helo markii odayaasha dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii ansixin lahayd dastuurka una soo xuli lahaayeen baarlamaanka cusub.
  8. -In Soomaalida lagu amaano sida ay u ilaalinayaan xuquuqda haweenka ayadoo golaha ansixintana 30%haween ay yihiin.
  9. -In shirka Istanbuul uu soo dhaweynayo inay si KMG ah loo ansixiyo dastuurka cusub.
  10. -In shirka Istanbuul uu taageero in shacbiga Soomaaliyeed laga talogeliyo dastuurka iyagana ay xaq u leeyihiin.
  11. -In baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid loosoo xulo si cad oo aanu mugdi ku jirin.
  12. -In doorashada madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka aanay ka dib marin waqtigooda.
  13. -In la taageero go’aankii bishii May kasoo baxay ururrada IGAD, AU iyo Qaramada Midoobay ee ahaa in ciddii ka hortimaadda hannaanka hadda socda loo aqoonsan doono qaswadayaal; iyadoo la isku raacay in kooxahaas laga qaado tallaabo adag.
  14. -In beesha caalamka looga baahan yahay inay taageeraan qabsoomida wadahadal dhexmara DKMG ah iyo Somaliland.
  15. -In siyaasadda cusub ee hay’adaha lasoo dhisayo loo baahan yahay inay noqoto mid Soomaalida oo dhan wada meteli kara.
  16. -In la tixgeliyo arrimaha xuquuqul aadanaha; iyadoo Soomaalidana laga doonayo inay texgeliyaan dhowridda xuquuqda aadanaha.
  17. -In la helo dib-u-heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda ah, dadkuna is cafiyaan; sida dalal badan oo caalamka ah ka dhacday.
  18. -Waa inay bilaabataa wixii ka dambeeya bisha Ogoosto barnaamijyo cusub oo dib loogu soo celinayo dhismaha hay’adaha dowliga; taasoo laga ambaqaadayo qodobada ku xusan Roadmap-ka.
  19. -In lasoo celiyo dib u dhiskii dalka iyadoo dhammaan hay’adaha ammaanka loo helayo tashiilaadka ay u baahan yihiiin lana xoojiyo.
  20. -In xaga tababarrada laga taageero ciidammada Soomaaliya sida ay hadda bilowday dowladda Turkiga.
  21. -In la sameeyo ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo dalka ammaankooda sugi kara.
  22. -In AMISOM lagu amaano howlaha xaga amniga ah ee ay kawaddo Soomaaliya iyo sido kale dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.
  23. -In dowladihii horey ugu balan-qaaday Soomaaliya inay u soo diraan si ay uga mid noqdaan AMISOM, si deg-deg loogu dhameystiro howlaha harsan.
  24. -In laga hortago dhammaan wixii keeni kara carqalad.
  25. -In dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamku ay noqdaan kuwo kawada shaqeeya xoojinta hay’adaha amniga.
  26. -In la dhiso ama dib u habeyn lagu sameeyo hay’adihii sharciga sida maxkamadihii.
  27. -Shirku wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka argigixisanimo, dagaallada iyo xuquuqul insaanka oo lagu tunto; wuxuuna dhiirri-gelinayaa sidii arrimahaas oo dhan looga soo horjeesan lahaa.
  28. -Shirku wuxuu cambaareynayaa in carruurta loo adeegsado dagaallada; iyadoo la askareeynayo
  29. -Shirku wuxuu u arkaa la-dagaalanka burcadbadeedda xalka guud iyadoo lagala dagaalamayo dhinaca berriga.
  30. -In Soomaalidu ay si guud uga wada-shaqeeyso xasilinta iyadoo laga hortagayo in Al-Shabaab iyo Al-Qaacida fursad loo siiyo inay kusoo laabtaan deegaannadii laga saaray.
  31. -Shirku wuxuu ku ammaanay dowladda hirgelinta maamullada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab, iyadoo beesha caalamkuna ay arrimahaasi taageereyso.
  32. -In beesha caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameyn karo goobahaas laga saaray Al-shabaab, si hannaanka maamul uu u sii shaqeeyo.
  33. -In la sameeyo sanduuq dhaqaale oo sii dedejiya fulinta howlahan, ayna caalamku si wadajir ah uga qeyb-qaataan arrimahan taasoo loo arko mid ka duwan sidii horay uu caalamku ugu taageeri jiray Soomaaliya.
  34. -In loo baahan yahay in lasii wado gargaarka la siinayo dadka barakacayaasha ah.
  35. -In la aqoonsado inay Soomaaliya hadda galeyso marxalad cusub oo kasoo kabashada dhinaca dhaqaalaha ah; loona baahan yahay in lagu taageero oo lagu garab-galo.
  36. -In xoogga la saaro dib u dhiska dalka iyadoo si gaar ah looga soo kabanayo burburkii dagaallada sokeeye; gaar ahaan guryaha ku yaala caasimadda.
  37. -In la hirgeliyo mashaariic biyo-gelin ah taasoo qeyb ka ah mashaariicda algu horumarinayo Soomaaliya.
  38. -In dowladda iyo hay’adaha gaarka ay iska kaashadaan xagga maal-gelinta iyo horumarinta howlaha.
  39. -In shirkan uu soo dhaweynayo wadahadalada socda ee lagu sameynayo hay’ad dhaqaalle oo kawada dhaxeysa dowladda iyo caalamka iyadoo wadahadalladaasna si deg-deg ah loosoo dhaweynayo.
  40. -In shirka iyo beesha caalamku ay taageerayaan sidii Soomaalida ay dhaqaalahooda u maamulan lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/2/2012 9:09 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Madaxda dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ka sheegay shirkii Istanbuul II ee kusoo xirmay dalka Turkiga inay gacan ka siinayaan DKMG ah ee Soomaaliya sidii ay ammaan uga dhigi lahayd dalka oo dhan.

6/2/2012 7:53 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak iyo wasiirkii arrimaha gudaha Xabiib Cadli ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in kaddib dacwado socday tan iyo markii xukunka laga tuuray Mubaarak.

6/2/2012 7:32 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ciidamada Booliiska iyo kuwa nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay ammaanka deegaannada loo barkaacay ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay toddobaad ka hor ka qabsadeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talin jiray.

6/2/2012 7:04 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) iyo taliyaha ciidamada nabadsugidda DKMG ah. Jen. Khaliif Axmed Ereg ayaa maanta lagu weeraray jidka Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya, waxaana mas'uuliyadda weerarradaas sheegatay Xarakada Al-shabaab.

6/2/2012 4:52 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay shirkii lagu soo gabgabeeyay Istanbuul ee looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa deggenaashii Soomaaliya ayaa beesha caalamka ku war-geliyay inaysan ogaan karin xaaladda ka jirta Soomaaliya iyagoo aan tegin.

6/2/2012 4:34 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii xalay ay dadweyne careysan rabshado ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo dadkan ay muddo kooban xireen waddada weyn ee dhexmara degmadaas.

6/2/2012 4:24 AM EST
Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa uga digay wufuuddii ka qaybgashay shirkii looga hadlay mustaqablka Soomaaliya ee labada maalmood ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga in mar kale ay awoodda Soomaaliya la wareegaan dagaal-oogayaashii Soomaaliya.