4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Dadweyne careysan oo xalay rabashado ka sameeyay Degmada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland

Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii xalay ay dadweyne careysan rabshado ka sameeyeen magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo dadkan ay muddo kooban xireen waddada weyn ee dhexmara degmadaas.

Dadweynaha careysan ayaa waxay ka cabanayeen dhallinyaro ay booliisku xireen kuwaasoo midkood ay dhaawac u geystaan, waxaana xariga dhallinyaradan uu ka dhashay muran dhuleed oo beryahaan ka taagnaa degmadaas.

"Magaalada xalay waxay ahayd meel aad u kacan, meel walba waxaa xiray dad careysan kuwaasoo buuxiyay waddooyinka dhalooyin jajaban iyo dhagaxaan si ay u horjoogsadaan inay gaadiidku maraan," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmadaas oo magaciisa qariyay.

Goobjoogaha ayaa hadalkiisa ku daray in ciidamadu ay isticmaalayeen rasaas nool si ay dadka careysan u kala eryaan, balse rabashadu ay socdeen muddo saacado ah, inkastoo ay dadweynihii careysnaa markii dambe iska tageen.

Dhallinyaradii ay rabshaduhu ka billowdeen ayaa la sheegay inay weli gacanta ugu jiraan ciidamada ammaanka Garoowe, mana jiro hadal kasoo baxay maamulka oo ku saabsan sida ay ka yeelanayaan dhallinyarada maadaama ay rabshado ka dhasheen.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socda dhismayaal cusub taasoo keentay inay dadku isku qabsadaan lahaanshaha dhulka, taasoo dhalisa rabshado ay waxyeello kasoo gaarto dadka shicibka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya