4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Ciidanka Somaliland oo Hawl-gal ka sameeyey deegaanka Tuka-Raq oo hoos-yimaada maamulka Khaatumo

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mr: Axmed X. Cali Cadami ayaa sheegay in hawlgal uu ciidanka Milatariga Somaliland ka sameeyey Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ciidamo Maamulka khaamuto State hore u fadhiyeen ay kala wareegeen.

Wasiirku waxa uu xusay in saaka aroortii hore ay ciidamadda Milatariga Somaliland ku ruqaansadeen deegaanadaasi, iyagoo wax cadaadis ah kala kulmin ciidamadii halkaasi joogay, isla markaana ay kala eryeen ciidamo halkaasi u joogay Khaatumo, waxaanu sheegay in wax khasaare ah aanay kala kulmin hawlgalkaasi uu ciidanku ka sameeyey deegaankaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wararka aanu ka helayno deegaankaasi ayaa sheegaya in markii ciidamadii khaatumo u jooga deegankaasi ka war heleen ciidanka ku soo socda ay ka baxeen deegaanka, ka dibna ay si fudud usoo galeen ciidanka Somaliland iyadoo wax dagaal ahi dhicin.

Ciidamadda milatariga ee Somaliland ee hawlgalka sameeyey ayaa markiiba dib uga soo baxay Tuka Raq, iyagoo ku soo noqday fadhiisimihii ay hore u fadhiyeen oo wax badan ka fogeyn deegaankaasi.

Magaaladda Tukaraq ayaa waxa uu u ahaa deegaan ay maamulaan maamulka Khaatumo, haseyeeshee hawl-galkaasi labadda dhinaca midna wax khasaare ah kama soo gaadhin.

Deegaanadan ayaa waxa isku hor fadhiya ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo, inkastoo oo baryihii u dambeeyey ay deganayd.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland