4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo soo bandhigay Cows artificial ah oo la dhigayo Garoomada Kubadda Cagta Muqdisho


Sabti, June 16, 2012(HOL): Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in uu magaalada Muqdisho soo gaaray Cowskii Artifishaalka ee lagu gogli lahaa garoonka Stadium Banaadir, iyadoo shirkadda qandaraaska hoose ee dhsimaha la siiyay ee {East African Modern Engineering company EMECO} ay soo dhameystirtay diyargarowgii hore ee dhulka cowska la dhigi doono.

Xoghayaha guud ee Xiriirka K/Cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab oo warbaahinta kula hadlay gudaha Garoonka Kubadda Cagta  Banadir Stadium ayaa sheegay in Cawska artifishaalka ah uu Arbacadii la soo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddibna loo soo gudbiyay garoonka Banadir Stadium.

 “Waxaan aad uga mahad celineynaa FIFA dhismaha garoonkan iyo taageerada joogtada ah oo ay siiso xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, hadda waxaa la keenay cowskii artifishaalka ahaa, waxaana harsan qalab aan badneyn oo ay ka mid yihiin carro iyaduna artifishaal ah oo loogu tala galay garoomada noocan oo kale loo dhisayo iyo alaabooyin kalen oo ay shirkada EMECO sheegtay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan”ayuu yiri xoghayaha guud Cabdi Qani Sacid Carab oo intaas ku daray in dhismaha garoonka ay FIFA billowday 4 sano ka hor hayeeshee ay howshaasi istaagay markii dagaallo ka billowdeen Muqdisho.


Munaasabadda soo bandhigidda Cawska Artifishaalka ah ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya C/llaahi Shiikh Cali iyo madax kale oo ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, iyaduna munaasabadda ay ahayd mid si weyn loo agaasimay. Cawskan artifishaalka ah ayaa wuxuu yahay midkii ugu horreeyay oo noociisa ah oo Muqdisho la geeyo.

Waxaa uu xoghayaha guud sheegay in booqashadii madaxda xiriirka iyo wasaaradu ay maanta ku tageen garoonka ay ahayd tii sadexaad tan iyo intii garoonku dib ugusoo laabtay gacanta xiriirka bishii August ee sanadkii tagay, waxaana uu intaa raaciyay in taasi ay muujnineyso sida uu usii kobcayo xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya wasaarada iyo xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed.

“Waxaan gacan ka helnay dowlada Soomaaliya oo naga caawisay soo dajinta qalabkan oo canshuur dhaanfa noogu sameysay, waana uga mahad celineynaa”ayuu shirka jaraa’id ka sheegay xoghayaha guud.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in FIFA ay balan qaaday dhismaha garoonkan iyo midka weyn ee Stadium Mogadishu lana rajeynayo in marka dhismaha garoonkani dhammaado kan kale la bilaabo.


Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Cali Saciid Guuleed wuxuu ka dalbaday dowlada Soomaaliya in ay gacan weyn ka geysato arrimaha ammaanka garoomada iyo maalgelinta xulka qaranka Soomaaliyeed oo hadda kuwa 17 jirrada ka yar ay ku soo fool leedahay ciyaar ay la yeelan doonaan dalka Sudan dhamaadka sanadkan.

Wasiiru dowlaha Sportiga Cabdullaahi Sheekh Cali waxaa uu isna sheegay isagoo ku hadlayay afka dowlada in uu uga mahad celinayo FIFA dadaalka ay ku bixineyso taakuleynta kubada cagta Soomaaliya oo uu sheegay hadii aan FIFA gacantaas ka geysateen in kubadda cagta Soomaaliyeed ay bur buri lahayd 21-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Kubadda cagtu waxay muhiimad weyn u leedahay nabadda iyo is dhexgalka bulshada waana taas midda aan xoogga u saareyno wada shaqeynta xiriirka iyo wasaaradda waana sii adkeyneynaa dhankeena wixii tabar ahna waan ka geysanaynaa”ayuu yiri wasiirka oo laga codsaday in dowladu ay laami marsiiso bannaanka hore ee garoonka si masuuliyiinta imaaneysa ay u helaan meel parkin ah xilliyada ay ciyaaruhu socdaan.


“Dhismaha garoonku wuu soo dhamaan doonaa xili dhow waxaana u sheegeynaa ganacsatada soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan horumarinta kubadda cagta, waan ognahay in marka dhismaha garoonku uu dhammaado in ay u baahan doonaan meelo ay xayeysiinnadooda ku soo bandhigtaan marka waxaanu leenahay hadda inta la idin baahan yahay gacan ka geysta”ayuu yiri wasiirka oo hadalkiisa ku carrabaabay shirkadaha isgaariisiinta ee Horumuud, Nation iyo Telcom Somalia iyo sidoo kale shirkadaha xawaaladaha sida Dahabshiil iyo Amal iyo salaam Bank iyo kuwo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]