4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2012
Mareykanka oo xaiyraad kusoo rogay Saraakiil Eriteriyaan ah oo lagu eedeeyay inay taageereen Al-shabaab
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay laba sarkaal oo Eritrean ah, kuwaasoo lagu eedeyay inay taageero siiyeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Qoraalkan oo ay soo saartay wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in labadan sarkaal ay qayb ka yihiin lix ruux oo la sheegay inay gacan ka geysteen hurinta colaadda ka jirta Soomaaliya.

"Mareykanku wuxuu bartilmaameedsanayaa kuwa mas'uulka ka ah dhiigga qubanaya iyo deggenaasho la'aanta Soomaaliya," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda maaliydda Mareykanka.

Xayiraadda lagu soo rogay labadan sarkaal ee Eritrean-ka ah ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Asmara ay dhowr jeer oo hore iska diiday inay taageero siiso Al-shabaab.

Saraakiisha Eritrea ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Col. Twolde Habte Negash oo ka tirsan sirdoonka Eritrea, kaasoo la sheegay inuu hub u geyn jiray Al-shabaab tan iyo sannadkii 2004.

"Negash wuxuu tababarro walxaha qaraxa ah ku siini jiray Muqdisho Xisbul Islaam sannadkii 2006, sidoo kalena wuxuu tababarro ku siin jiray xoogagga Al-shabaab intii u dhexeysa 2007 illaa 2009 gudaha dalka Eritrea," ayaa lagu yiri warbixinta.

Sarkaalka kale ayaa lagu magacaabay, Col. Taeme Abraham Goitom oo isagana la sheegay inuu gacan siin jiray kooxdii dib u xoreynta Soomaaliya (Xisbul Islaam) oo sannadkii 2010 ku biiray Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ee gacanta siinaya.

Sidoo kale, waxaa dadka xayiraadda lagu soo rogay ka mid ah nin u dhashay dalka Suudaan oo lagu magcaabo, Abuu-Faaris, kaasoo lagu eedeeyay inuu ajnabiga doonaya inay Al-shabaab ku biiraan u fududeyn jiray.

Xubnaha kale ee saddexda ah ayaa waxay iyaguna u dhasheen dalka Kenya, waxaana lagu kala magacaabaa: Abuubakar Shariif Axmed, Cumar Awadh Cumar iyo mid kale oo aan magaciisa la sheegin kuwaasoo la sheegay inay taageero toos ah siin jireen Al-shabaab.

Arritan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Mareykanka ay bishii hore madax-furasho lacageed dul dhigeen toddoba sarkaal oo Al-shabaab ka mid ah, kuwaasoo uu sheegay Mareykanku inuu bixin doono warbixinnada ku saabsan halka ay ku sugan yihiin oo keliya lacag gaaraysa 33-milyan oo doollar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya