3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2012
Madaxweynaha dalka Kenya oo sheegay inay Al-shabaab kula dagaalamayaan Gudaha Dalalka Kenya iyo Soomaaliya
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Nakuru ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay Al-shabaab kula dagaalamaan gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Kibaki ayaa sheegay in Al-shabaab ay khatar weyn ku tahay amaanka dalkiisa iyo kan gobolka oo dhan, isagoo sheegay inay cagta marin doonaan si ay u xoojiyaan ammaanka dalkooda.

"Al-shabaab dhibaatooyin badan ayay dalkeenna ku haysaa, waxaana jira xarumo ay ku leeyihiin Kenya, kuwaas cagta ayaan marin doonnaa gudaha Soomaaliyana waan kula dagaalamaynaa," ayuu yiri Kibaki.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan weerarro lagu qaaday kaniisado ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, halkaasoo lagu dilay 15-qof in ka badan 50-qof oo kalena lagu dhaawacay.

Xarakada Al-shabaab ayaa iska diiday inay weerradaas lug ku leedahay, inkastoo ay warbaahinta Soomaalida qaarkeed baahisay in Al-shabaab ay sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarradaas ayna ku dishay dad caabudayay wax aan Alle ahayn.

Dalka Kenya oo kumannaan askari u soo diray Soomaaliya sannadkii hore si ay ula dagaalamaana Al-shabaab ayaa waxaa tan iyo xillgaas ka dhacayay qaraxyo ay geysanayaan xoogag hubeysan oo Kenya ay ku sheegtay inay Al-shabaab xiriir la leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/6/2012 1:32 PM EST
Jimco, July 06, 2012(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa si kulul u dhaliilay dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhaliilsan yahay dastuurka.

7/6/2012 4:53 AM EST
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaallo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Bakool ka sheegatay guulo, iyadoo sheegtay inay ka jareen ciidamada ku sugan degmada Xudur sahaydii u tegi jirtay.

7/6/2012 4:46 AM EST
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay laba sarkaal oo Eritrean ah, kuwaasoo lagu eedeyay inay taageero siiyeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.