3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo guulo ka sheegatay Iskahorimaadyo ay ciidamada Itoobiya kula gashay Gobolka Bakool
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaallo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ka dhacayay gobolka Bakool ka sheegatay guulo, iyadoo sheegtay inay ka jareen ciidamada ku sugan degmada Xudur sahaydii u tegi jirtay.

Afhayeenka ciidamada ee Al-Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay weerarro ku qaadayeen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya oo marayay inta u dhexeysa degmooyinka Xudur iyo Ceel-barde.

"Saddex maalmood ayaan jid-gooyooyin u dhigtay gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya; hadda sahaydii u kala gudbi jirtay way joogsatay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab oo sheegay in howgalladan ay socon doonaan inta ay hadafkooda ka gaarayaan.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray inay jid-gooyooyinkaas khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo gaadiidkooda, balse ma sheegin tirada ciidan ee ay ku dileen iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Dagaal dhawaan ka dhacay duleedka degmada Xudur ayaa waxay saraakiisha DKMG ah ee ku sugan gobolkaas sheegeen inay ku dileen dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ka tirsan.

Sidoo kale, afhayeenka howgallada ee Al-shabaab ayaa sheegay in sidoo kale ay dhibaatooyin gaarsiiyeen, wuxuuna kula taliyay Kenya inay isaga baxdo Soomaaliya inta aan dhibaatooyin ka badan kuwa hadda gaaray la gaarsiin.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah, Kenya oo AMISOM ka tirsan iyo kuwa Itoobiya oo ku saabsan dagaallada ay Al-shabaab guulaha ka sheegatay, iyadoo aysan sidoo kalena jirin ilo wareedyo madax-bannaan oo arrintan xaqiijinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/6/2012 1:32 PM EST
Jimco, July 06, 2012(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa si kulul u dhaliilay dastuurka cusub ee loo sameynayo dalka Soomaaliya, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay qaabka uu u dhaliilsan yahay dastuurka.

7/6/2012 5:01 AM EST
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Nakuru ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go'an tahay inay Al-shabaab kula dagaalamaan gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

7/6/2012 4:46 AM EST
Jimco, July 06, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad kusoo rogtay laba sarkaal oo Eritrean ah, kuwaasoo lagu eedeyay inay taageero siiyeen kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.