Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenkaTurkiga,
Bakir Buzdag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Muqdisho
ayaa dhagax-dhigay mashruuc lagu horumarinayo duulista iyo saadaasha hawada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Wafdiga uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa waxaa ka mid ah
madaxa hay'adda horumarinta caalamka ee xukuumadda Ankara ee TIKA,
taasoo Muqdisho ka wadda mashaariic fara badan oo lagu dhisayo
isbitaallo iyo iskuullo.
"Dalalka kale ee doonaya inay caawiyaan Soomaaliya waa inay ku daydaan
sida uu Turkigu u caawinayo Soomaaliya," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii soo
dhaweeyay wafdiga uu horkacayo ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in socdaalka
wafdiga dalka Turkiga ka socda uu qayb yahay sidii lagu xoojin lahaa
mashaariicda ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira caawin
iyo dib u dhis.
"Bozdag wuxuu u yimid sidii uu ugu kuurgeli lahaa mashaariicda ay
Turkigu Muqdisho ka wadaan, wuxuuna maanta kulan la qaadan doonaa golaha
wasiirrada si la isaga wareysto sida ay howluhu u socdaan," ayuu yiri
ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu hadalkiisa raaciyay in dowladda
Turkiga ay ka billaabayso Muqdisho dayactirka waddooyinka, sidoo kalena
ay dayactiri doonto iskuullada iyo isbitaallada ku yaalla Muqdisho ee
aan weli howsha dayactirka laga billaabin.
Ugu dambeyn, ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo saxaafadda la
hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay
inuu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo Muqdisho, iyadoo booqashadan ay
noqonayso tii saddexaad oo uu Muqdisho ku yimaado tan iyo sannadkii
hore.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo Muqdisho yimid, isagoo dhagax-dhigay Mashruuc lagu horumarinayo Saadaasha Hawada
More News
- Hay'adda CRD oo Muqdisho ku qabatay Dood-wadaag looga hadlayay Marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro
- Duqa degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ku baaqa in la caawiyo dadka dhibaateysan bisha Ramadaan
- Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab oo ka socda duleedka degmada Baardheere
- Golaha Wakiiladda Somaliland oo taageeray qaabkii ay soo jeediyeen in doorashadda lagu galo golaha Guurtidda
- Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho
- Qaraxyo is xig-xigay oo Waabarigii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan
- Saraakiisha Ciidamda Dowladda KMG ee Jubbooyinka oo sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab
- Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu dilay Weerar gaadmo ah oo ka dhacay Deegaanka Libooyo-Kenya
- Guddiga Horumarinta Hargeysa oo baaq ku saabsan doorashada golaha deegaanka u diray Ururadda Siyaasadda Somaliland