3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2012
Guddiga Horumarinta Hargeysa oo baaq ku saabsan doorashada golaha deegaanka u diray Ururadda Siyaasadda Somaliland

P7145757AAA.jpg

Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Guddi farsamo oo ka shaqayn doonta horumarka iyo baahiyaha magaalada Hargeysa ayaa shir ku yeeshay hotel Crown ee Hargeysa kaga hadlay horumarinta magaalada, kuwaasoo kasoo saaray baaq ku aadan in nin aan reer Hargeysa ahayn uusan isku soo sharaxi karin golaha deegaanka Hargeya inta caasimadda loo samaynayo xeer u gaar ah oo ka duwan magaalooyinka kale.

Guddigan oo ka kooban dadyowga kala duwan ee deegaan ahaan ka soo jeedda gobolka Maroodi jeex ee magaaladda Hargeysa ayaa kulan ay muddooyinkii u dambeeyey ku yeeshay magaaladda Hargeysa ku ansixiyey guddi 25 xubnood ka kooban oo ka shaqayntoodda horumarinta magaaladda.

"Waxaynu Shirarkeenii Hore Iskula Qaadanay Oo Aynu Isla Garanay In Aynu U Sheegno Ururada Siyaasada Hadii Aanu Nahay Reer Hargeisaad In Aan Cid Aan Deegaanka Ahayni Iskasoo Sharixi Karin Hargeisa Sidaa Ayuu Yahay Ajandeheena Aynu Shirkeena Ku Wadanaynaa"ayuu yidhi Cali Xasan Xoore oo ka mid ah guddidda horumarinta magaaladda Cali Xoore ee waqooyiga Hargeysa.

P7145824mmm.jpg

"Hadii Aan Faahfaahiyo Nuxurka Ujeedada Kulankani Waa Laba Qodob Qodobka Kowaad Gudigii Farsamo Ee Soo Qaban Qaabisay Shirkani Waxay Isla Qaateen Oo Ay Doonayaan Inay Shirwaynahan Maanta Ka Ansaxsadaan In Lasameeyo 25 Xubnood Oo Odayaala Oo Reer Hargeysa ah Oo Horumarinta, Danaha Iyo Arimaha Hargeysa Ka Shaqeeya, Qodobka Labaad Gudidii Arintan Soo Qabanqaabisay Waxay Isla Qateen In Doorashooyinka Golaha Deegaanka Ee Soo Socda Ay Waajib Tahay In Golaha Deegaanka Ee Hargeysa Ay Iskasoo Sharaxaan Oo Kaliya dadka deegaan ahaan ka soo jeedda Hargeysa "ayuu yidhi Caaqil Rashiid Yuusuf oo ka mid ah odayaasha koonfurta magaaladda Hargeysa, waxaanu digniin u diray in ururadda siyaasadda iska soo sharixin qof kasta balse dadka deegaanka uun iska soo sharaxi karo, kii diidana ay la xisaabtami doonaan.

Caaqil Maxamed Cabdi Cilmi oo ku hadlayey afka beelaha Gabooye ee deegaan ahaan ka soo jeedda deegaanka Hargeysa, isagoo sheegay in nuxurka shirkaasi ka soo baxay ay taageersan yihiin, isla markaana ay ka mid yihiin beelaha dega Hargeysa oo aanay ciddi kaga badnayn.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildibaan Khadar Axmed Like, Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige, Iyo Xildhibaan Jaamac Shabeel Oo ka tirsan golaha deegaanka ee Hargeysa, waxaanay Soo Dhaweeyeen Nuxurka Shirkaasi Kasoo Baxay, iyagoo sheegay in aan la ansixin xeerkiii caasimadda, isla markaana inta la gaadhayo xeerkaasi ay waajibtahay in qof deegaanka ahi uun isku sharaxo golaha deegaanka.

Sidoo kale, waxa iyana ka hadlay Caaqil Siciid Cabdi Jaamac, Caaqil Xasan Badmaax, Jaamac Hilaac, Chief Caaqil Cali Cige Jaamac, iyo odayaal kale.

Waa markii ugu horaysay ee Hargeysi yeelato guddi ka kooban Odayaasha deegaan ahaan Hargeysa ka soo jeedda, kuwaas oo isku waafaqay horumarinta iyo baahiyaha ka dhiman sidii si siman loo qaybsan lahaa.

P7145777DDD.jpg
P7145806bbb.jpg
P7145779GGG.jpg

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dood wadaaggii u horreeyay oo shacabka ay kaga doodaan marxalada kala guurka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda dowladda KMG, wasiiro, xildhibaanno, haweenka iyo culumaa'udiin ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay, iyadoo dooddan inteeda badan looga hadlay doorka haweenku ku leeyihiin hoggaanka dalka iyo siyaasadda.

7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Duqa degmada Baladweyne ee maamul gobolka Hiiraan Max’ed Xassan Nuuriye oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo dadka dhaqaallahoodu wanaagsan yahay in ay caawiyaan bisha Ramaadaan dadka ku dhibaateysan xareyahay barakacayaasha magaalada Baladweyne.

7/17/2012 8:47 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka socda duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku sugan degmadaas ay walaac ka muujinayaan dagaallada.

7/17/2012 8:46 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — golaha Wakiiladda ayaa isku raacay qaabkii ay golaha guurtiddu usoo jeediyeen in lagu galo Doorashadda golaha deegaanka, taas oo ka hor imanaysa qaabka ay rabeen in lagu galo doorashadda Guddidda Doorashooyinka Somaliland.

7/17/2012 8:44 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ardaydan oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin jabinayeen loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.

7/17/2012 5:56 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Labo qarax oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka dhashay miinada meelaha fog laga hago ayaa saakay waabarigii hore ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

7/17/2012 5:53 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu isu soo dhiibay sargaal sare oo katirsan Al-shabaab.

7/17/2012 3:19 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenkaTurkiga, Bakir Buzdag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa dhagax-dhigay raadeer cusub oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

7/17/2012 3:12 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saddex ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacya deegaan Libooyo oo ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la sheegay in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.