Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Duqa degmada Baladweyne ee maamul gobolka Hiiraan Max’ed Xassan Nuuriye oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo dadka dhaqaallahoodu wanaagsan yahay in ay caawiyaan bisha Ramaadaan dadka ku dhibaateysan xareyahay barakacayaasha magaalada Baladweyne.
Max’ed Xassan oo maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka barkacayaasha ah waxaa uu sheegay in xaalado dhinaca nolasha ah oo aad u liita ay halkaa ka jiraan, islamarkaana u baahan yihiin dadkaas in sida ugu dhaqsiyaha badan loo caawiyo.
"Dabcan waa dad u baahan in ay bisha Ramadaan Soomaan, sidaa daraadeed waxaa ay u baahan yihiin in la gargaaro, waayo dhibaato xoog leh oo dhinaca nolasha ayaa heysta,’’ ayuu yiri,’’ Duqa degmada Baladweyne.
Dhinaca kale waxaa uu digniin adag u dirray dadka sida uu hadalka u dhigay caadeystay bisha Ramadaan inta lagu guda jiro in ay iibiyaan raashinka iyo waxyaabaha bisil, isaga oo sheegay in cid kasta oo arintaa lagu qabto sharciga la horgeyn doono.
"Hadda ayaan ka sii digeynaa, ma arki karno goob ganacsi oo raashin bisil lagu iibinayo, lamana arki karo qof magaalada dhaxdeeda wax ku cunaya ama ku cabaya, dadka noocaas ah ciidamada maamulku talaabo ayeey ka qaadi doonaan," ayuu yiri,’’ Max’ed Xassan Nuuriye.
Waxaa uu sheegay in ay jiri karaa dad cudur daar leh oo aan soonka ku waajib, laakiin dadkaasi laftirkooda loo baahan yahay in aysan dibada wax ku cunin si loo ilaaliyo loona xushmeeyo bisha Ramadaan.
Hadalka Duqa degmada Max’ed Xassan Nuuriye ayaa imanaya xili wax ka yar labo cisho ay naga xigto bilashada bisha Ramadaan oo ah bil u baahan in si wada jir ah looga wada faa’ideysto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaaliya
Duqa degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ku baaqa in la caawiyo dadka dhibaateysan bisha Ramadaan
More News
- Hay'adda CRD oo Muqdisho ku qabatay Dood-wadaag looga hadlayay Marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro
- Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab oo ka socda duleedka degmada Baardheere
- Golaha Wakiiladda Somaliland oo taageeray qaabkii ay soo jeediyeen in doorashadda lagu galo golaha Guurtidda
- Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho
- Qaraxyo is xig-xigay oo Waabarigii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan
- Saraakiisha Ciidamda Dowladda KMG ee Jubbooyinka oo sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab
- Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo Muqdisho yimid, isagoo dhagax-dhigay Mashruuc lagu horumarinayo Saadaasha Hawada
- Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu dilay Weerar gaadmo ah oo ka dhacay Deegaanka Libooyo-Kenya
- Guddiga Horumarinta Hargeysa oo baaq ku saabsan doorashada golaha deegaanka u diray Ururadda Siyaasadda Somaliland